Uncategorized

Masuuliyiinta Ammaanka Xukuumadda Siilaanyo Oo Gees Iskaga Duway Eedaha Xafladdii Xisbiga Waddani Ee La Nashuushadeeyey

Hargeysa:Dec,07,2014(SDN/QJ)-Masuulliyiinta Ammaanka xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa gees iskaga duwan eedo ugu yimi dhibaato dhawaan ka dhacay munaasibad xisbiga waddani ku lahaa Magaalada Hargeysa.

amoTaliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal iimaan oo uu weheliyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gudaha ee Dhinaca Amniga Cali Maxamed Cilmi (Cali-Gadheer), ayaa si wada jir ah u beeniyey inay wax lug ah ku lahaayeen dhacadadaas oo keentay khasaaren naf iyo maalba ah.

Wasiir ku xigeenka Amniga Somaliland Cali Gadheer ayaa sheegay dhalinyaradii Xisbiga WADDANI ku soo uruuriyay Huteelka Crown in buuqoodii iyo nidaam la’aantoodii ay isku dileen, waxaanu yidhi “Arrintaa wax alaaliyo wax ka jiraa ma jiro,waxaanan anigu qabaa dhalinyaradii Xisbiga WADDANI kusoo urursaday Huteelka, ayaa buuqoodii iyo bilaa nidaamkoodii ayaa ku qarxay, dhalinyarada Madaxtooyada iyo meel kale oo laga soo abaabulay midna ma jirto,waana war aan sal iyo raadtoona lahayn, Ciidanka booliskuna waajibaadkiisi wuu ka qabsaday,”

Mar la sii weydiiyay Wasiir kuxigeenka Amniga Somaliland Cali Gadheer sababta dhalinyaradan ku kaliftay dhagaxan iyo khasaaraha haday la socdeen Waddani, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Meesha Rabshadii way ka dhacday oo ciidamada Amniguba way yimaadeen, Taliyaha qeybta Galbeedku sidii loogu talo-galay ayuu uga hawlgalay. Annagu waxaanu qabnaa dhalinyaradii ay meesha ku soo uruursadeen Xisbiga WADDANI ayuubaa ku qarxay, inay nidaamiyaana waa ay garan-waayeen,annaga waajibkayagu waxa weeyaan haddii ay meel wax ka dhacaan inaanu tagno oo aan amaankooda sugno, waanan tagnay oo waajibkayagiina waanu ka gudanay”.

Sidoo kale, Cali Gadheer mar la weydiiayay inay jirto waraaq uu u soo qorey Maamulaha Hudheelka Crown Cismaan Hindi iyo waxaa ay uga jawaabi waayeen, waxaa uu yidhi “Cid alaaliyo cid nooga soo ashkatootay midna ma jirto, wax waraaqa oo na loo soo qoreyna ma jirto, Anigu waaban yaabay markii uu caawa(Xalay) Telefiishanka Horn Cable TV uu ka yidhi Cismaan Hindi madaxtooyada ka danbeysay,warkaasina maaha mid sal iyo raad leh, wax ka jiraana ma jiro”

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa isna sidoo kale beeniyay arrintan: “Maamulaha Huteelka Crown ee magaalada Hargeysa Cismaan Hindi waxa uu caawa(Xalay) telefiishanka ka sheegay inuu waraaq noo soo qorey, waa war aan sal iyo raad toona lahayn oo waa waxba kama jiraan, wax waraaqa oo uu noo soo qoreyna ma jirto,xitaa nalamuu soo xidhiidhin”.Ayuu yidhi

“Dhalinyaradii Xisbiga WADDANI ay meesha ku uruursadeen ayaa rabashka bilowday, Ciidanka booliskuna wuu u gurmaday, oo Taliyaha saldhiga Koodbuur oo u soo gurmaday ayaa gaadhigiisi khasaare soo gaadhay,”.Ayuu yidhi Cabdilaahi Fadal.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com