Muqdisho:Dec,08,2014(SDN/QJ)-Ka dib baaqii Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka iyo Hanti-dhawruhu ku mamcuuneen inay dalka ka baxaan Wasiirradda Xukuumaddii Ra’isal wasaare Cabdiweli, ayaa waxa si caadi ah Garonka Aadan Cadde shalay uga dhoofay Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.
Xeer Ilaalinta iyo Hanti Dhowrka Guud, ayaa waxay Nabad Suggida iyo Boolisku ay weydiisteen inaanay dalka ka bixin Wasiirada, ilaa iyo inta ay xilalka ka wareejinayaan.
Hadaba Hay’adda Nabad Suggida oo ka hawlgasha Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxay ku fashilmatay inay is hortaag ku sameyso Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta ee Soomaaliya oo si aan dhuumasho lahayn uga dhoofay garoonka Aadan cadde.
Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo kalsooni badan qaba, ayaa la soo sheegayaa in uu ka dhoofay Garoonka Aadan Cadde, isagoona Shalay galab gaadhay Magaalada Dubai ee Wadanka Emirate-ka Carabta.
Tallaabada uu Dhuxulow dalka kaga baxay, ayaa waxay waddo u fureysaa Wasiirada Xukuumadii dhacday, xilli dareen laga muujinaayo inay la goostaan hantida uu Qaranku leeyahay.
Dhanka kale Dhuxulow, ayaa waxaa la tilmaamaa in xdhiidh dhow uu la lee yahay Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somaliya General C/laahi Maxamuud Gaafow, iyadoo ayna isu heyb yihiin.
SDN/QJ
