Uncategorized

SOMAALIDU…WAA BULSHA HODONA

Somalidu asal  ahaan iyo dhaqan ahaan waa dad hodon ah, kuna barbaaray dhaqan wanaag ah siin iyo qaadasho noloshooduna ku dhisantahay is gacan qabasho.
Tusaale, Noloshoodii baadiyaha haddii qoys soo biiro balse ay-yan haysan xoola lihi-ya wuxuu qoyskaasi mudo gaaban ku yeelan jirey tirooyin xoola ah, nooc walbana leh kana dhashay kaalo iyo gacan qabasho qoysas deegaankiisa ku teedsan. Isla sidaa si la mida qoyskaasina wexey caada ka dhigtaa Iney qof kastoo soo martiya ama u qalaan ama u kaalaan. Kadib, markii noloshii casriyowdey is-taakulayntiina waa casriyowdey, iyadoo isu bedesha iskaa wax u qabso. mabda’aasina wuxuu horseeday yagleelida magaalooyin qurux iyo bidhaan ku caana.
Isla qalbi wanaagsaas ayaa dadkii lagu shaqaalaysiiyey, wax lagu baray bulsho barawaaqo iyo badhaadhe ku noolna lagu wada noqday. Burburkii iyo xiliyadii qaharka ku astaysnaa waxaa gacansiintii isu bedeshey mid naf iyo nolo badbaadisa sidii asalku ahaaba. Waxaa laysu taageeray, ehelnimo, xaafadnimo, deegaan iyo waji garasho. Iyadoo dad badani markey qurbaha tageen kuwa aysan fir iyo ehelba wadaagin sharciyo iyo aqoonsiyo caalami Kaga badbaadsheen kadeedkii dagaalka.
Halka kuwa kalena taageero jeeb iyo mid dareen qaybsiyaba la wadaageen cid walba oo baroor iyo dhibaato dagaalkaasi sababay haabatay. Caadada isku-tiirsanaanta ahina wexey noqotay mid nolosha casrigaana udub dhexaad u noqota badbaado bulshona sal u noqota. Tusaale kale,  anigu  Kadib markaan maalintii ku daalo shaqooyinka culayska iyo daalka badan ee noloshayda ku gadaaman, Muqdisho 2013, waxaan dhowr habeen caadaystey inaan fiirsado barnaamijyo ka baxa TV-yada Somalida.
Barnaamijyadaasi wexey soo daayaan wadaado iyo kuwa wadaadnimada matalaaya oo dad weynaha ugu baaqaya iney gacan ka geystaan howl-qabadyo kala duduwan badankoodna ku astaysanaa sama-fal. Barnaamijyadaasi laba siyaabood wey ii cajabiyeen mar wexey u kaalayaan dad baahan oo taagdaran ama wexey ku baaqayaan goobo barakaysan sida dhisid masaajido iyo goobo waxbarasho. Marna dadka duco iyo sama filid ayey sadaqadiisa ugu lifaaqayaan. Waxaana bulshada lasoo xiriiraya ka dhuuxi kadhaa qalbi wanaaga iyo Hodonnimada shaqsiga Soomaaligaa.
Caajiibkuna wuxuu ahaa habeen walba intaan fadhiyo waxaa barnaamijkaa iyo ducadaa wada socoda lagu xerayn jirey lacag aadan fili karin badideeda. Kuwa kale oo aadka iisoo jiita hodonnimada soomaalidana astaanta u ah, midoo jidadka Somaliland lagu dayactiray, bulshada Gobolka Banaadir oo duufaantii Puntland ku deeqday $200,0000 (Garowe). $100,000 oo reer Puntland (Garowe) abaaraha Gedo ugu deeqeen, jaamacadda Galguduud hal habeen lagu ururshey $150,700 (Columbus, Ohio), deeqdii guriga hooyooyinka Canada (Otawa) iyo ka qaybgalkii dayactirka Ufficio governo (Mogadishu) oo hadda Weli socda. Keliya intaas maahane dadka Somalidu hodonimadu waa u dhaqan iyo hide ileyn horeyba u dheheen”isku doobnibaa Dadkayagow, dulli kaga baxdaa ….”.
-Dhamaad-
Abdiaziz Shire Ismail (Bandiirad).
Facebook: Abdi Aziz Bandiirad
Kuala Lumpur, Malaysia.