Hargeysa:Dec,08,2014(SDN/QJ)-Waxa Maanta oo Bisha December tahay 8-da la filayaa inay Xubnaha Cusub ee Komishanku yeeshaan fadhi ay ku dooranayaan Hoggaankooda, si loo dardargeliyo Hawlahooda oo baahi weyn loo qabo.
Wararka aanu Hayno ayaa sheegaya in Xubnuhu gudogeli doonaan sidii ay hoggaan rasmi ah iskaga dhex dooran doonaan, waxana sidoo kale ay dhawaan u bixi doonaan Tababar ay dibadda ku soo qaadan doonaan.
Xubnaha saaka loo baahan yahay in la doorto, ayaa kala ah Guddoomiye, Guddoomiye-ku-xigeen iyo Afhayeen, waana qaab dhismeedka kooxdii ka horraysay u dhisnayd.
Weftiyo heer caalami ah, ayaa la filayaa inay Munaasibadda is-doorashada iyo xil-la-wareegidda ah ee Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland oo lagu qabanayo Insiinta maanta xarunta Komishanka doorashooyinka ee Caasimadda Hargeysa inay ka soo qaybgalaan, kuwaasoo ay ka mid yihiin Wefti Maraykan ah oo Axaddii shalay la kulmay Madaxweynaha Somaliland iyo Xubno Xukuumaddiisa ka tirsan.
Lama Hubo Cidda Guddoonka Xubnahan Noqon doonta, balse wararka warbaahintu helayso, ayaa sheegaya in xubnuhu isla garteen inay gadh-wadeen ka dhigtaan Maxamuud Jaamac Wacays oo ka mid ah xubnaha Madaxweynuhu magacaabay, isla markaana Afhayeen loo dooran doono Suxufiga xubnaha ka midka ah ee Siciid Cali Muuse.
Wakiilka Xisbiga Ucid ee Guddidan ugu jira oo ah Cabdifataax Ibraahin Sheekh Xasan, ayaa lagu wadaa inuu Guddoomiye-ku-xigeen noqdo, maadaama la bidayo inuu haysto khibrad badan oo uu Xubnihii hore ka dhaxlay.
Ma jiro war rasmi ah oo illaa hadda ka soo baxay ama laga helay Guddiga cusub ee doorashooyinka oo ku saabsan is-doorashadooda, waxaanay wax waliba caddaan doonaan haddii Illaahay yidhaahdo Isniinta maanta ee u qorshaysan inay xubnaha hoggaamin doona iska dhex-doortaan Guddiga cusub ee doorashooyinku.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
