Guantanamo:Dec,08,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda waddanka maraykanka ayaa sheegtay in lix kamid ahaa maxaabiista muddad dheer ku xidhnayd Xabsiga Caanka ah ee Guantanamo Bay loo wareejin doono waddanka Uruguay oo ku yaalla laatiin America.
Maxaabiistan ayaa muddo 12-sano ah ku xidhnayd halkaas, waxana loo waayey wax dembi ah, iyadoo haatanna ay dalka Uruguay six or ah ugu noolaan doonaan.
Raggan ayaa ah maxaabiistii ugu horeysay ee xabsiga ku yaal jasiirada Cuba ee loo wareejiyo Koofurta America. Dhammaan lixdan ruux ayaa loo xidhey tuhun ah inay xidhiidh la leeyihiin ururka Al-qacida weligoodna wax maxkamad ah lama keenin.
War ka soo baxay aqalka Pentagonka shalay ayaa lagu sheegay in raggan ay yihiin afar u dhalatay dalka Siiriya,qof ka soo jeeda dalka Tunisia iyo ruux Falastiini ah.
Madaxweynaha wadanka Uruguay Jose Mujice ayaa oggolaaday horaantii sanadkan in raggan ay si qaxootinimo ah ugu noolaadaan wadankiisa, hase ahaatee waxaa dib loogu dhigay wareejintooda iyadoo dalkaasi ay ka dhacayeen doorashooyin.
Tirada maxaabiista ku hadhay haatan xabsiga Guantanamo ayaa waxay gaadhayaan 136 ruux taasoo ka dhigeysa tiradii ugu yarayd tan iyo markii la furay xabsigan bishii January 2002.
Maxaabiis kale oo gaadheysa 7 ayaa laga wareejiyay xabsigaas tan iyo horaantii bishii November, 3 ayaa la geeyay dalka Georgea, 2 Slovakia, 1 Saudi Arabia iyo 1 la geeyay wadanka Kuwait.
Xabsiga Guantanamo ayaa waxaa furay Madaxweynihii ka horeeyay Obama ee George W. Bush, kadib weerarkii Sept. 11, 2001 ee lagu qaaday dalka Maraykanka.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
