Nairobi:Dec,09,2014(SDN/QJ)-Taliyaha Dhawaan iska Casilay Booliska Dalka Kenya, Gen David Kimaiyo, ayaa waxa looga yeedhay Maxkamad dalkaasi ku taalla si uu sharraxaad uga Bixiyo iscasilaadiisa iyo sababihii ku kallifay.
Garsoore Isaac Lenaola ayaa ku amray Kimaiyo in uu kasoo hor muuqdo maxkamada mudo 24 saacadood gudohood ah si uu faahfaahin uga bixiyo in uu iscasilaadiisa ku qoray warqad rasmi ah iyo in kale.
Maxkamada ayaa amarkan soo saartay kadib markii ay dacwad ka dhan ah is casilaada Kimaiyo u gudbiyeen 3 qof oo ka mid ah dadka xuquuqda u dooda.
3-da nin ee lollanka galinaya talaabada Kimaiyo ayaa kala ah Felix Kiprono, Fredrick Odhiambo and Kipchumba Kiptoo.
Usbuuci lasoo dhaafay ayey ahayd markii uu Mr David Kimaiyo ku dhawaaqay in uu shaqada adeega Booliska ka fadhiistay jagadii abaan duulaha ciidamadana iska casilay.
SDN/0QJ
Contact@somalidiasporanews.com
