Uncategorized

Tayaynta iyo kaabidda Dhallinta (Youth_Empowering)

Qormadaan kooban waxaan adeegsadey habka qodobaynta si aan usoo dhoweeyo dareenka akhristaha ayna u fududaato fahamka qormadu. Waana qodoba marna is dhamaystiraya marna midba meel gaara xoojinayo.
1. Dhallinyarta sida xad dhaafka uga soo qulqulaya magaalooyinka waaweyn ee Somalia kana soo falaagoobaya nolosha baadiayaha (Youth Rural-to-Urban migrants) wexey laba jibaarayaan culayska shaqa la’aanta iyo tahriibta dhallinta haysata haddii aysan si dhaqso ah fursado waxbarasho, mid shaqo iyo gacan qabasho uga helin dowladda ama bulshada.
2. Dhallinta Soomaaliyeed wexey u ooman yihiin aqoon kororsi, shaqo, iyo helidda fagaarayaal ciyaareed (Sports & Play space), Golayaal ay ku kulmaan (Safely Meeting Area) farxad iyo sheekona ku wadaagaan. iyo in kuwooda aqoonta leh ama Qurbaha ku soo waaya arkay gacan qabtaan kuwa colaadda iyo dagaaladu ragaadiyeen welina la il daran duruufihiisii.
3. Dhallinta Soomaaliyeed  haddaan laga qayb gelin golayaasha siyaasadeed, Go’aan gaarista (Decision Making) iyo Nabad dhallinta (Peace Building), aysana helin awood ay ku cabiraan dareenkooda gaarka ah kuna falaqeeyaan aayohooda danbe wexey halis gelinayaan naftooda (Tahriib) iyo bulshadaba (Mooryaanayn).
4. Dhallinta Soomaaliyeed hadeysan jeclaan dalkooda (Nationalist) ilaalin deegaan kooda( Natural Environment) iyo goobaha khayraadka (Resources Zone) wexey weligood ka aradnaan doonaan fahamk dhulkooda hooyo iyo ka mira dhallinta kheyraadka ku duugan.
5. Waa Iney jiraan Barnaamijyo sal balaaran oo dhallinta lagu barayo xirfadaha, farsamada gacanta si loo daboolo baahiyahidooda shaqo loona haqab tiro  baahiyaha suuqa.Waa Inuu jiraa sanduuqa Horumarinta dhallinta “Qaranka” oo dhallinta ka taageera  arimaha wacyi gelinta, kuwa bulshada iyo fursadaha kale ee laf dhabarta u ah koboca dhallinta.
Tababarada xirfadaha, adeegyada shaqaalaha oo laga dhigo kuwa la heli karo, la awoodi karo, habboon, tayaysana ayaa ah siyaasad dhamaystiran si kor loogu qaado shaqaalaynta dhallinta, iyadoo lagu xisaabtamayo isku xiraanta ka dhexeysa shaqo la’aanta iyo jaahwareerka dhallinta.
6. In ka badan 70% Soomaalida wexey da’ ahaan ka yar yihiin 30 sano (Dhallin yaro), waana kuwa mar walba tiro ahaan usii kordhaya sababtoo ah gabadha Somaliyeed oo  heer dhalisteeda lagu qiyaasay 6.2 (UNDP, 2012 Report), marka waa inaan awoodeena oo dhan u adeegsanaa jiilashaa cusub ee ama dhalanaya ama Hana qaadaya si kabasho iyo koboc wadareed loo gaaro. Dalkeena iyo dadkeenuna ka xoroobaan diifta saboolnimada iyo dayicii dagaalkii sokeeye.
7. Dhallinta Soomaaliyeed hadeysan adeegsan caqliga iyo muruqa ilaahay u hibeeyey, una hanqal taagaan dhul aan dhulkooda ahayn wexey dhaxli doonaan Murugo, Bah-dil, nolol burbur iyo in kuwa  badan oo ka mid ahi dayac iyo darxumo wadamada shisheeye ugu noolaadaan, Allow dhowr dadkayga iyo dalkayga.
8. Hadddii aan awooda dhallinta maanta looga faa’idaysan is-bedelada dhinaca wanaagsan wexey caqabad iyo is baaro ku noqonayaan xasiloonida dalka iyo deganaanshihiisa. 40% dhallinta soomaaliyeed ayaa la ogaadey iney u nugul yihiin Iney fal denbiyeed geystaan sababo saboolnimo, aqoon dari iyo niyad jab ka haysta dadkiisa hooyo.
9. Dhallinta Soomaaliyeed wexey talo iyo taakulayn ka sugayaan bulshada inteeda aragtida iyo fahamka wanaagsan leh, wexeyna garab istaag ka filayaan inta aqoonta iyo qalinka qadarisa halka ay taageero iyo gacan qabasho ka rabaan inta hoggaanka iyo masuuliyada u haysa magocoodana matasha.
10. Haddii aad tahay qof hurmarka dhallinta iyo koboca bulshada daneeya fadlan akhri “Somalia Human Development Report 2012 , Empowering Youth for Peace and Development UNDP”. Hadaad buugaas heli weydid si fudud Google u geli waxaad ku heleysaa PDF. Xog iyo talooyin ku jira awgood akhris kadib wuu i anfacay.

 

Abdiaziz Bandiirad
Qoraa, arimaha. Bulshada ka faalooda.