Uncategorized

Cudurka Ebola oo hakiyay ciidamo ka socda Sierra Leone oo Soomaaliya ku soo jeeday

Muqdisho Dec 22,2014(SDN/QJ)Ciidamo ka socda dalka Sierra Leone oo ka mid ah Ciidamada Africa ee AMISOM ayaa la sheegay in laga horjoogsaday in ay Soomaaliya yimaadaan.

Ciidamada oo tiradooda lagu sheegay 850 askeri ayaa ay aheyd in ay bedelaan qaar iminka Soomaaliya mudo joogay balse ay dawlada Soomaaliya diiday in ay dalka yimaadaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Md Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaalidu walaac ka qabto cudurka Ebola.

Ciidamada Sierra Leone ee Soomaaliya ku soo jeeday oo tiradoodu aheyd 12,000 ayaa waxa la sheegay in mid ka mid ah laga helay cudarka dilaaga ah ee Ebola.

Dawlada Sierra Leone ayaa baaritaan ku sameyneysa caafimaadka Ciidamada ku soo jeeday Soomaaliya si loo hubiyo in aaney kala qaadin cudurka Ebola.

Ciidamada Africa ee AMISOM ayaa waxa Soomaaliya ka jooga tiro ka badan 22,000 oo askeri oo ka kala socda dalalka Kenya,Jabuuti,Itoobiya, Burundi,Nigeria, Gana iyo Ugaandha.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com