Uncategorized

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Qoddobada Kasoo Baxay Wadahadalladii Uu Djibouti Kula Lahaa Dhiggiisa Somaliland

Muqdisho:Dec,22,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si faahfaahsan uga Hadlay Qoddobada laga soo saaray wada-hadalladii uu Djibouti kula soo galay Dhiggiisa somaliland.

xasan sheeMadaxweyne Xasan sheikh ayaa jawaab cad ka Bixiyey Ujeeddada wada-hadalladaasi salka ku hayeen iyo aragtidiisa natiijada ka dhalata,

“Amuurihii wada hadalada usoo socday ee Somaliland iyo Somaliya uun baa halkeedii laga sii amba qaadaayay, bayaanaa soo saarnay dhowr qodob ka kooban, si hoosena waxaan uga wada hadalnay amuurahaas.” Ayuu yidhi Madaxweyne xasan sheikh.

Xasan Sheekh, ayaa sheegay in wadahadallada uu ka dhacay isu soo dhawaansho iyo is fahan xeel dheeri, waxana uu yidhi,

“Waa horumar runtii aad u wanaagsan oo la taaban karana waa ka dhacay, oo is fahamkii labada dhinac, mudada dheer soo socday wada hadaladoodii, in ay meel soo gaareen hadda, siina socon doonaan, haddii Alle yidhaahdo.”

Sidoo kale Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu si gaar ah uga Hadlay Muhiimadda ay sida gaarka ah u lahaayeen qoddobada laga soo saaray wada-hadalladu, waxana uu yidh,  “Waxyaabaha ugu muhiimsan waa hadaladii in aad loo sii xoojiyo, la sii dardargeliyo, laguna dhiirado amuuraha masiiriga ah, ee u dhaxeeya labada dhinac, ka hadlaayo masiiriga Somaliya guud ahaanteed iyo sidii ay dadka Somaliyeed ee dalka degan, isula jaan qaadi lahaayeen. Wixii tabasho iyo dhibaatooyin ah ee jira, looga wada hadli lahaa, si labada dhinacba ay raali ku yihiin loo gaadhi lahaa, oo maslaxada ummada ay ku jirto.”

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa qiray inay muddo saacado ah wada hadlayeen wefdiga Somaliland, wuxuuna yidhi “Saacado dheer, ayaan aad iyo aad u sheekeysanay, u wada hadalnay, guddiyo farsamo oo labada dhinacna wixii farsamo ah way ka hadleen. Wixii hore loogu heshiiyay oo laysla gartay in la sii xoojiyo, waxyaabaha dhimana in si deg deg ah loo dardar-geliyo, oo la horumariyo.”

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti iyo dadkiisaba uga mahadceliyay, kulanka ay labada dhinacba ugu qabteen Magaalada Djibouti.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com