Uncategorized

Wasiir Cadami Oo ka Hadlay Waxa Laga Yeelayo Suldaanka Fallaagoobay , Tabashadii Reer Awdal-na Dhamaad Ku Sheegay

Borama:Dec,22,2014(SDN/QJ)-Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa saxaafadda Halka ay marayaan dedaaladii lagu dejinayey Xaaladda Gobolka Awdal oo beryahan dambe kacsanayd.

cadamiWasiir Cadami waxa uu tilmaamay inay dejinta arrintaasi ay Gebo gebo ku dhaw dahay, isla-markaana maalmaha soo socda lasoo Gunaanadi doono.

Wasiirku waxa uu sheegay mar uu ka Hadlayey waxa laga yeelayo Suldaanka Fallaagoobay in jawaabta iyo mawqifka uu qaadanayo ay ka sugayaan madax-dhaqameed ay  meesha uu jooga ugu direen,

“Haddii uu yidhaahdo Cafalaahu camaa salaf oo yidhaahdo muwaadinkaas shariifka ah ee Magaca Madax dhaqameeka sita umaddana nabadgelyadeeda ay waddada dheer usoo martay, waanu ka wada Xidhiidhaynaa sidii kalena waa u dhamays tiran tahay, laakiin kelmaddii ugu dambaysay iyagaa kasoo qaadaya ninkaas(suldaan wabar) annaga khaa’inal waddanka noogu qoran.”

Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay in gebi ahaanba si fiican loo daaweeyey tabashadii Reer Awdal qabeen, balse si rasmi ah uma uu sheegin waxyaabah dhab ahaantii la doonayo in lagu daaweeyo dhibaatada muddada soo taxnayd.

Sidoo kale wasiirku kama uu hadlin waxa laga yeelayo ciidamada qaranka ee wali ku sugan Gobolkaas oo ay reer Awdal markii hore codsadeen in laga soo qaado, waxase la filayaa in haddii Suldaanka Laga keeno jawaab ah ciidanka lagu soo celin doono goobihii markii hore laga qaaday.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu Toddobaadyada soo socda qaado tallaabo  wax ku ool ah oo wax lagaga qabanayo Tabashada Reer Awdal, waxana la dhawarayaa in loo dhiibi doono mid kamid ah Wasaaradaha Muhiimka ah ee qaranku leeyahay oo ay sheegeen inay ka qatan yihiin.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com