Uncategorized

“Waxaan Xukumadda Ka Rejaynayaa Inay Ummadda U Fasirto Waxa Lagu Dhiiranayaa Waxay Yihiin” Mawqifka Gudoomiye Cirro ee Wada hadaladii Somaliland iyo Somalia

Hargaysa 22.Dec 2014 (SDN/QJ)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro),ayaa Xukuumadda ka dalbday in ay bulshada Somaliland u fasirto waxa ay uga jeedo waxa lagu dhiiranayo ee ka midka ah qodobada laga soo saaray wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya eek u qabsoomay dalka Jabuuti.

Cirro2Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI waxaa kale oo uu sheegay in ay lagama maamaan tahay in golayaasha Qaranku isla ogaadaan marka horeba arrimaha ajendaha u ah wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya ee laga wada hadlayo isla markaana loo baahan yahay in waxyaahaba Masiirka ummadda ah in meel la isla sii dhigo lagana wada hadlo.

Ugu horayn waxa uu ka hadlay Mawqifkiisa wada hadalka

“Guud ahaan Wada hadalada, dee in la wada hadlaa waxay ahayd arin la isla ogolaaday laakiin, waxa laga wada hadlayo iyo marka ay soo gaadho arimaha Masiiriga ah in marka horena laga sii wada tashado,marka dambena Shacabka iyo Goleyaasha looga waramo ayuu waajibku yahay sidaanu u aragno” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro oo warbaahinta la hadlay Maanta.

Waxa kale oo uu Gudoomiye Cirro Xukumadda ka dalbaday in ay ummadda u fasirto Qodobo ka mid ah Heshiiska ay labada Madaxweyne ku kala saxeexdeen dalka Jabuuti.

“Qodobada waxaa ka mid ah Qodobka 2-aad oo sheegaya “labada dhinac waxay ku heshiiyeen in arimaha Siyaasadda ee Masiiriga ah lagu dhiirado” Masiirka waanu garanay oo waa Mustaqbalka Umadda, laakiin Lagu dhiirado, waxaan Xukumadda ka rajaynayaa inay Umadda u fasirto waxa lagu dhiiranayaa waxay yihiin”

Waxaa kale oo uu ka hadlay guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro qodobka ugu badan ee ay mar kasta Somaliland iyo Soomaaliya ka wada hadlaan oo ah dhanka hawada.

“Qodobka qudha ee Soomaaliya iyo Somaliland hore ugu heshiiyeen wuxuu ahaa Hawada oo ay ahayd inay Maamulaan Guddi isku dhaf ah oo xaruntoodu Hargeysa noqoto, hase yeeshee waxaad ogtihiin in Qaramada Midoobay maamulkii hawadda ku wareejisay Somalia, markaa dee wax ka noolba garan maayo Heshiiskaas Somalia lagu siiyay hawadda, balse hadday wax ka nool yihiin Xukumaddu ha u faahfaahiso Umadda” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.