Muqdisho:Dec,23,2014(SDN/QJ)-Hoggaanka Nabadsugidda Somalia, ayaa ku dhawaaqay in Xoogagga Al-shabaab ay gacanta ku dhigeen Hub aad Casri u ah, kaas oo ay u adeegsadaan Dilalkooda qorshaysan.
Cabdiraxmaan Tuuryare oo ah Taliska Ciidanka Nabadsugidda, ayaa waxa uu sheegay in dhammaanba xildhibaanadii la laayey loo adeegsaday Dilkooda Hubka aan sanqadha lahayn oo aan cidina dareemi Karin.
Tuur Yare ayaa dhanka kale shaaciyay in baadhitaano ay sameeyeen ay gacanta ku soo dhigeen hubkan casrigga ah oo kooxda Al-shabaab adeegsan jireen, isagoo carabka ku adkeeyay inay ogaadeen halka hubkan ay kooxdu ka heleen ayna baadhitaano ku hayaan.
Ciidamada nabad sugida ayuu sheegay inay sii laba jibaareen howlgalada ka dhanka dadka falalka amaandari ka wada magaalada Muqdisho,wuxuuna hoosta ka xariiqay inay xogo ay ku heleen halka Al-shabaab Muqdisho weerarada kaga soo abaabulaan
Dhawaan ayaa ciidamada hay’ada nabad sugida waxay bur buriyeen shabakado Shabaab ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho, kuwaas oo la Tuhunsan yahay inay xogahan ugu dambeeyey Bixiyeen.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
