Tehran Dec 23,2014(SDN/QJ)-Dawlada kenya ayaa umagacawday ruqiya axmed suubaw inay noqoto safirka Kenya ufadhiya iran bishii jun ee sanadkan iyada oo ay taasi kadanbaysay arrimo dhaqaal.
Magacabistan ayaa waxaa ka qaybqatay dilalin isugujira Somali Kenyan iyo irani.iyada oo ay kadanbaysay waxyar kadib markuu fashilmay iskudaygii lagu iibinlahaa guryaha somaliya ee Tehran kuyaala taasoo uu kamasuul ahaa safirkii hore khaliif kadiye muuse.
Fashilkaas ayaa kadanbeeyey kadib markii wasirka arimaha dibada iyo kuxigenkisa iyo wasirdawlaha arimaha dibada intuba sicadho leh uga jawaaben iyaga oo dawlada iran waraqo usooqoreen kuwaas oo is hor istaagtay inuu khaliif kadiye muuse qoro kala wareejintii guryaha.
Waxyar kadib waxaa bilawday khilaafkii udhaxeeyey raisalwasaraha iyo madaxwaynaha taasoo dhamaan howlihii dawladnimada hakad galisay .halka wasirka arimaha dibada kuxigenkisa iyo wasirdawluhuba ay kasoo horjeedeen taasoo sababtay in khilaafkii madaxwaynaha iyo raisalwasaraha ay danihii qaranku udayacmeen.
Kenya oo ah dawladaha uu dhaqalaha ugubadan kasoo galo dilaalnimada somaliya ayaa markiiba iyada oo ay dabada kariixaya dilaaliin xarun utahay nairopi waxay markiiba dhigeen habkii lacagta guryaha somaliya loowareejinlahaa iyaga oo taa ka duulayaa ayaa ay gabadh somaliyed usoomagacaabeen taas oo ahayd talaabadii ugu horaysay.
Kooxda dilaaliinta ayaa ogaaday in aysan sahal ahayn in magaalada mugadisho oo xarun ah dawlada somaliya laga helo hal warqad oo hal goaan leh iyada oo taas kusababeeyey inay dhaqaalo xumo ba ani kajirto mugadisho hadda iyo iyada o madaxda dawlada somaliyed isku aragti kanoqonkarin arrintan.
Kooxdan ayaa qorsheeyey in la adeegsado Somali Co operative Bank oo ay xaruntisutahay nairopi Kenya isaga oo adegsanaya bankiyo iyo xarumo dhaqaaleed oo kuyaala mugadisho sida Somali International Bank kuwaas oo warqado sooqoranaya ah in Bangiyadani masuulkayihin guryahaa somaliya taaso sahlaysa in la aamino oo laguwareejiyo guryaha iyada oo sidaan ognahay somaliya uusan kajirin banki dhexe oo shaqeeya islamarkana bangiyada gaarka looleeyahay lacag Deposit kadhigaya meel una qoraya warqad damaanadqaad ah oo si uu ushaqeeyo transaction caalami ahna ufuliyo.
Bankiga dhexe ee Kenya ayaa isagu damintay iyada oo safirad ruqiya axmedna laba todobaad ka hor gaadhay iran iyada oo wada warqadaha iyo damanada loogabaahanyahay .silacagta 50milyan ah ee labada guri looguwareejiyo.
Hunguriyaynta guryahan ayaa sabab utahay meesha muhimka ah ee ay uga yaaiin magalada Tehran iyo iyada oo dhul aad uwayn ay kufadhiyaan.
Kenya ayaa horay dhaqaalo adag uga heshay dilaalida somaliya iyada oo sida hawada somaliya oo lasheego in lacag adagi kasooxarooto diyaradaha hawada somaliya isticmalaya.iyo dhaqalaha calamku somaliya siiyo iyada oo dhamaan dhaqaalahaas uu Kenya dib ugalo oo aysan jirin wax somaliya kasoogaara marka lagareebo facility ay uqabato madaxda dawlada kuwaas oo ay uga bedelato dhaqaalahan.dhaqaalahaas oo marka loo eego faciltykaa kun jeer kabadan.
Safirad ruqiya aya ku guulaysatay inay lacag dhan 25milyan oo hormaris ah lawareegto iyada oo marisay bank chine kuyaalaa oo transactionada iran fuliya isaga oo usiigudbinayaa bankiyo Kenya kuyaalaa halkaas oo lagu kala qaybsanayo.iyada oo loobalamay 25milyan ee harsan marka laga soonoqdo fasaxa sanadka.
Safirad ruqiya aya sidoo kale bilawday mashruuc ah in dawlada iran Kenya kacaawiso ladagaalanka ururka alshabab iyada oo codsatay waxii mucaawano ah oo khuseeya gobalada jubooyinka ee somaliya in lasoomariyo maadaaba ay halkaas ciidamada Kenya joogaan si ay dadka ugaarsiiso iyada oo ku tilmaamtay dawlada somaliya mid aan awood ay deegaanka kugaadho lahayn oo aysan joogin wax metela dawlada somaliya.
Arrimahan ayaa kusoobeegmaya iyada oo khilaaf kajira madaxda somaliya awgeed ay safarada somaliya xidhantay taasoo fududaysay in ay Kenya usoomagacawday gabadh somlaiyed si waxii somaliya loogutalokalay ay ula wareegto.
Inta badan khilaafyada siyaasadeed ee soodhexgala masuuliyiinta somaliyeed ayaa waxay sababaan in hantida iyo danaha somaliya aduunka kuleedahay dawladokale lawareegaan .iyada ka faaiidaysanaya inta khilaafkujiro.
Xogta arrimahan kusaabsan ayaa loogabaahanyahay in gudiga arimaha dibada baarlamanaka somaliya uu soo uruuriyo islamarkaana baarlamanaka horgeeyo iyada oo hayadaha ay khusayso looyeerayo si ay uga jawaabaan arrimahaa.iyada oo sidoo kale somalida meelwalba jooga loogabahaanyahay qofwalba waxii awoodiisa ah inuu kaqabto sidii guryahan somaliya dib loogusoocelinlahaa gacanta somaliya maadaba ay yihiin hanti qaran oo kadhaxaysa somalida hada nool ilaa kan caawa dhashay.
sawirka waa safirada iyo xubin kasocda bankiga dhexe ee kenya iyo dilalin irani ah oo lagaqaaday habeenkii ay gaadheen iran oo ahayd laba week ka hor.
SDN/QJ-Tehran
