Ascb, dhamaan waxan halkan ka salaamayaa Bulshaweynta Somaliland gaar aahaan taageerayaasha Kulmiye ee Gobolka Sanaag.
Waxaan ogaysiinayaa inuu sharaxan yahay . Musharaxa Maxamuud Saalax Cabdi xubin oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga kulmiye. waxan halkan Bulshada Gobalka Sanaag gaar ahaan Degan Degmada Garadag ku ogeysiinayaa inuu u sharaxanyahay doorashada golaha wakiilada ee 2015 dhici doonta insha alah, Maxamuud waa Oday ku soo jiray waaqiciga iyo xaalada bulsho-siyaasadeed ee Degaanka Sanaag iyo Somaliland oo dhan. Oo uu balan qaaday inuu gaadhsiin doono gakaro guul iyo horumar taam oo ku saabsan dhinacyada siyaasadda dhaqanka iyo arrimaha bulshada ee degaanka. waxan aaminsanahay in xubinta golaha wakiiladda tahey xil muhiim ah oo qofka isu taagaa fulin karo howlahaas baaxada leh ee degaanku u baahan yahay, mar kaan eegay aqoonta iyo waayo aragnimadda ee u leeyahay arrimaha bulshada iyo wax u qabashada degaanka oo uu hore ugu dhex jiray.
Maxamuud Saalax wuxuu kaga duwan yahay musharaxiinta kale waa nin aqoon yahan ah muddo badana ku soo jiray arrimaha siyaasada iyo arimaha bulshada. Wuxuuna aad u shaqeeyey dhowrkii doorasha ee dalka soo maray ee Kulmiye loogu olaleenayey waana ragii soo kaalinta mug leh ka soo qaatay Ururkii RAYS haddana ku Biiray KULMIYE.
Maxamuud waa nin oday ah oo degen oo runtii u qalma in la garab galo siduu dadka kale ee tartamaya u garab geli jiray.
Aad iyo aad baad ugu mahadsantihiin codkiina iyo taageeridiina lagama maarmaanka ah.
Mire Maxamed Xuseen ( Aspirin)
Hargeisa, Somaliland
