Uncategorized

Ciidamo Ethiopian Ah Heegan Ugu Jira Sidii ay Uga Hawlgeli Lahaayeen Magaalada Kismayo Oo Dhawaan ay Ka Baxeen Ciidamo Sierra leone

Kismayo:Dec,23,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda waddanka Ethiopia, ayaa diyaar garow ugu jirta sidii ay ciidamadeeda ugu daabuli lahayd Magaalada Kismayo oo ay dhawaan iskaga Baxeen Ciidamo dalka Sierra leone ooh ore halkaas u joogi jirey.

ygTaliyaha ciidamada dowlada Sierra Leone ayaa maalin ka hor sheegay in bisha January ee soo socota ay ka bixi doonaan dalka Soomaaliya, maadaama ciidamadooda aan isbedel lagu sameyn Karin sabab la xidhiidha cudurka Ebola oo dalkaasi dad badan ku dilay.

Dalka ku yaala galbeedka Africa ee Sierra Leone ayaa Soomaaliya waxaa ka jooga 850 askari, kuwaasi oo loosoo diray inay qeyb ka noqdaan howlgalka midowga Africa ee loo yaqaan AMISOM.

“Haddii uu yimaado codsi dhanka miwowga Africa ah, dowlada Ethiopia diyaar ayay u tahay inay badasho ciidamada ka baxaya Soomaaliya”sidaasi waxaa yidhi ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, oo saxaafada kula hadlay caasimada dalka Ethiopia.

Inka badan 7,000 oo ruux ayaa la sheegay in cudurka Ebola uu ku dilay galbeedka qaarada Africa wadamada ku yaala, waxayna badankood ku noolaayeen dalalka Liberia, Sierra Leone iyo Guinea.

Ethiopia waxaa Soomaaliya kaga sugan ciidamo lagu qiyaasay 4,400 oo askari kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka ay taageerayaan wadamada qaramada midoobay, balse dadka somalida ahi marnaba ma jecla inay arkaan ciidankaas oo dhulkooda jooga, inkastoo ay Siyaasiyiintu soo dhaweystaan.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com