Hargaysa 16.Jan 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo dood kulul ka yeeshay manta codsi ka yimid ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ahaa in dib loogu dhigo xilliga uu xukuumaddiisa la horkeenayo baarlamaanka, iyadoo xildhibaannadu ay cod aqlabiyad ah ku diideen codsiga ra’iisul wasaaraha.
Ra’iisul wasaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa dalbaday in xilliga xukuumaddiisau u horkeenayo baarlamaanka laga dhigo Isniinta oo ay bishan ku beegan tahay 19-ka, iyadoo guddoonka baarlamaanku Somalia ay go’aan ku gaareen in 17-ka bishan oo Sabtid ah la horkeeno xukuumadda golaha baarlamanka Somalia.
Xildhibaannada ayaa markii hore buuq ka keenay warqadda uu ra’iisul wasaaraha Somalia u soo gudbiyay baarlamaanka Somalia, waxaana qaarkood ay dalbanayeen in codka loo qaado isla maanta, halka kuwa kalena ay ku baaqayeen in la tix-geliyo codsiga ra’iisul wasaaraha, waxaana kala qaybsanaantaas ay keentay in guddoonka uu ku dhawaaqo in dood la geliyo, codna loo qaado.
Doodda xildhibananadu ay yeesheen ayaa soo gaartay gellinkii dambe ee Shalay iyadoo 120-xildhibaan ay diideen codsiga ra’iisul wasaaraha, halka 57 xildhibaan ay ogolaadeen, balse guddoonka baarlamaanka ayaa si cad u sheegay in xukuumadda cusub la horkeenayo baarlamaanka Sabtida soo socota.
Intaas kdadib gudoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa si deg-deg ah fadhiga uga qaybgalay, iyadoo kulanka uu shir-gudoominayay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Somalia, Mahad Cabdalla Cawad.
Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirradiisa ayaan la ogeyn inay codka heli doonaan iyo in kale, iyadoo maalinta Sabtida ah ay noqotay maalinta xukuumadda cusub la hor-keeni doono baarlamaanka Soomaaliya.
