Muqdisho:Jan,16,2015(SDN/QJ)-Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia waxa goor dhaweyd ku geeriyooday Allah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Coloow Barroow oo ahaa ku-simihii Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Somalia.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray isagoo ku hadlaya magaciisa iyo kan Xukuumadda magacaaban, dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday allaha u naxariistee marxuum Maxamed Colow Barroow, isagoo sheegay in marxuumku door weyn ka soo qaatay dib-u-soo kabashada dalka iyo dhisitaanka dowladda Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa Alle uga baryay marxuum Maxamed Coloow inuu Jannatul Fardawsa ka waraabiyo, eheladiisa, asxaabtiisa, iyo shacabka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.
Wasiir-Colow-Barrow
Innaa lillaahi wa innaa Ilaahi raajicuun
-–Dhammaad—
SDN/QJ
