Hargeysa:Jan,18,2015(SDN/QJ)-Guddomiyaha Golaha Guurtisa Somaliland, ayaa si cad uga Hadlay Tallaabada Suldaan Wabar ku Go’aansaday inuu Buuraha galo, waxana uu sheegay inuu yahay nin irdhoobay oo tallaabo khaldan qaaday.
Saleebaan Maxamuud Aadan Oo Maanta saxaafadda la Hadlay, ayaa sheegay inaanay Guurtidu ka gaabin shaqadii loo igmaday, isla-markaana ay suldaankaas Hawdka Galay ku filan yihiin shacabka Reer Awdal,
“Shaqadayada Kama baaqsanee Suldaan fidnoobay oo Irdhoobay annagu wax aanu nidhaahno garanmayno, Aydana kaga daba tegimayno, Reer Awdalna iyagaa ku filan Dalkuna Cidna Rabshad ugama Baahno. Nin suldaan sheeganayana Hadalkiisaba Daa.” Ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan.
Guddoomiye Saleebaan Oo Hadalkiisa sii wata, ayaa dhinaca kale ka hadlay muddo-kordhin loo sameeyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxana uu tilmaamay inaan la joogin xilli arrintaas laga hadlo oo su’aal laga keeno, waxana uu yidhi,
“Waxan idin leeyahay Muddo-kordhin maanta ka wada Hadlimayno, wakhtigeediina ma joogno, maalinta ay Doorashadu kaabiga inagu keento ama Bil kahor uun bay arrintaasi qaadqaadideeda leehahay inta ka horraysana waanu qabnaa in la qaban doono.”
Saleebaan Maxamuud Aadan oo dalka kaga maqnaa safar muddo dheer ahaa, ayaa hadalkiisani waxa uu kusoo beegmayaa xilli aanay wali xukuumaddu tallaabo cad kaqaadin Suldaanka Buuraha galay, isla-markaana aanay aanay xukuumaddu waxba ka qaban tabashadii reer Awdal ee keentay inuu suldaanku talaabadaas qaado.
Sidoo kale Somaliland kama muuqato ifafaale doorashada xilligeedi lagu qaban karaa, waxana haatan muddadii rasmiga ahayd ka hadhsan Shan Bilood oo kaliya.
SDN/QJ
