Sanca:Jan,21,2015(SDN/QJ)-Maleeshiyada Xuutiyiinta eek a dagaallanta daalka Yemen, ayaa si buuxda gacanta ugu dhigtay Madaxtooyadii dalkaasi looga arriminayey iyo goobo badan oo xafiisyadii xukuumadda ah, kadib weerar xoogan oo ay maalmahan wadeen.
Taliyaha ciidamada ilaalada ka ahaa madaxtooyada Yemen Col Saleh al-Jamalani ayaa ku tilmaamay la wareegida madaxtooyada afgambi, waxana ay kooxdu dagaalkan caasimadda ka dhex waday muddo afar bilood ah.
Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Yemen Haadi aanu joogin madaxtooyada balse xarun kale oo uu ku leeyahay magaalada Sanca ayaa sidoo kale la sheegayaa in uu weerar ku socdo oo kooxdani kaga daba tagtay.
Maleeshiyada Xutiyinta ayaa qabsaday magaalada Sana bishii September ee aynu ka soo gudubnay, hase ahaatee madaxtooyada dowlada Yemen ayaa waxaa gacanta ku hayay ciidamada taageera dowlada.
Col Jamalani ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in maleeshiyaadka Xuutiyiinta ay bililiqo ku hayaan madaxtooyada iyagoo qaatay keydkii hubka ahaa ee yiil madaxtooyada.
Kooxda mucaaradka ayaa Sabtidii aynu ka soo gudubnay waxa ay afduubteen agaasimihii shaqaalaha madaxtooyada Axmed Awad Bin Mubarak.
SDN/QJ
