Hargeysa:Jan,22,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Gobolka Marodi-jeex Maxamed Axmed Jeeniyare, ayaa Ka hadlay nin meydkiisa dhawaan laga helay Dooxa weyn ee Magaalada Hargeysa, waxana uu sheegay in arrintaas baadhitaano lagu hayo.
Guddoomiye Jeeniyare oo maanta saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay inaanu ka hordhici doonin baadhitaanka Boolisku ku hayaan sababta uu ninkaasi u dhintay,
“CID-da ayaa arrintaas gacanta ku haysa kana hor dhici maayo, insha allahna dhaqso ayey uga gun gaadhi doonaan, qofkaas dhintayna waxanu leenahay, dhaqsana way uga gun gaadhi doonaan, wixii u dhintay iyo ciddii falkaas samaysayna waw ducaynaynaa inay soo helaan.” Ayuu yidhi Guddoomiye Jeeniyare.
Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex oo sii wata Hadalkiisa, ayaa sheegay in shacabka looga baahan yahay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan, maadaama wanaagga aan la wada jeclayn, waxana uu yidhi,
“dadka shacabka ah waxan leenahay feejignaan dheeraad ah halla muujiyo cadow badan baynu leenahaye”
Dhawaan ayaa meydka nin muwaadin ah laga helay Dooxa weyn ee Magaalada Hargeysa Badhtankeeda, mara, waxana arrintaasi shacabka gelisay Warwar iyo baqdin la xidhiidha dhinaca Ammaanka.
Gebi ahaanba ammaanka Caasimadda ayaan ahayn mid liita, waxase dadka dhibaato ku haya Da’yar kooxo kooxo u socota oo habeenkii isku weerarta Meelo badan oo caasimadda ka mid ah inkastoo ay ciidanka Boolisku si weyn ula tacaalayaan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
