Muqdisho:Jan,25,2014(SDN/QJ)-Faahfaahin dheeraad ah, ayaa kasoo baxday Baadhitaanno lagu sameeyey ninkii dhawaan isku qarxiyey Hutel SYL ee magaalada Muqdisho, kadib hawlgallo ay sirdoonku ku tixraaceen meydka ninkaasi.
NISA ayaa ku sheegtay Magaca Ninka Weerarka Ismiidaaminta ah geystay Maxamuud Cismaan Jimcaale, oo ku magac-dheeraa (Dhagey), kana mid ahaa ururka Al-shabaab.
Isqarxiye Dhagey wuxuu 2013, Sanad ka hor ka yimid dalka Switzerland, waxaana Hooyadiisa lagu magacaabaa Saafi Dhibood Xaashi, sida lagu sheegay War kasoo baxay Hay’adda Nabad Sugida Qaranka.
Dhagey wuxuu kasoo mid noqday Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah kahor inta aanu aadin dalka Switzerland, isagoo sidoo kale la sheegay inuu ahaa Farsamo-yaqaan Saacadaha ku sameeya Irida Masjidka Xareed ee Xaafadda Baar-Ubax.
Markii uu dalka kusoo laabtay 2013, isagoo wata Dhalashada Switzerland, wuxuu kamid noqday Kooxda Al shabaab oo uga howlgali jiray Degmada Baraawe oo Bishii October 2014 laga soo saaray.
Dhagey ayaa ku jeexjeexay Hooyadii horteeda Baasaboorka dalka Switzerland, waxaana Maalmo kadib uu Weerar Ismiidaamin ah ka fuliyay Hotelka SYL Khamiistii lasoo dhaafay, isagoo dilay Naftiisa & 4 Ruux oo kamid ahaa Ciidanka DFS
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
