Hargaysa 02.March 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaan Saleebaan Daahir (Dogox) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha deegaanka Hargeysa, ayaa sheegay in loolan adag loogu jiro Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa, ka dib markii Agaasimaha Wasaaradda Werhsdaha loo magacaabay xoghayihii hore.
Xildhibaan Dogox oo shalay la hadlay Warbaahinta, ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in ay xildhibaanada golaha deegaanku Olole ugu jiraan sidii ay beelohoodu u heli lahaayeen, isal markaana ay hadda dad badani u tartamayaan jagadaasi.
Saleebaan Daahir Dogox oo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Horta waxaan aad u hanbalyay nayaa Mawliid oo ahaa nin hawlkara oo shaqo wanaagsan ka soo qabtay dawlada hoose ee hargeysa oo Latabi doono nin aanu saaxib nahayna waa uu ahaa meesha uu u socdana ilaahay ha u fuday diyo xilkaasi cusub ee Loo igmaday waxaana uu ka tagay meel dhibaato badan oo dawlada hoosa waxaanan filayaa in ay uga hawl yaraan doonto ugana danbi yaraan doonto, booskaasi banana ee xoghayaha dawlada hoosana imika dad badan ayaa Loolan adag ugu jira waxaana koleey la eegayaa ayan filayaa dee casimad ayaynu daganahay fulintuna runtii waa kuwan eeg eegaya reer-reero iyo siday wax u kala qayb san yihiin ayaa La eegaya Laakiin rag badan oo sifiyadooda meesha dhigayna way jiraan oo xaafad walba leh cid walbaana way u simantahay”
Xildhibaan Dogox oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey “Aniga ka xildhibaan ahaana waan la shaqaynaynaa mid kasta oo yimaada ilaa uu sidii shaqada dawlada hoose ahaydna uu u wadaayana waanu ku taageraynaa kii shaqada sida wanaagsan u wadi waayana waa in aanu ka soo hor jeed sano shaqadayada ugu muhuum sana waxay tahay in aanu sida ugu fiican ula shaqayno xoghayaha cusub ee la’soo magacaabo xog-hayaha soo socdana waxaan u rajay nayaa khayr, tar-tankuna waa uu badan yahay sida La ii sheegay waxaan u malay nayaa in ay madaxtooyaduna ay qabiil ay wax ku magacawdo aniguna waxaan jeclaan lahaa in La soo magacaabo nin mutacalina , khibradleh ,hadli karayana oo dadkii la xisaab tami karaya , koleey Hergeysa oo dhami ninba ninbuu wataa iyaga oo siyaasad eegaya iyo iyaga oo dan eegayaba koleey ninka ay xukuumaddu wadato ayuunbana imanaya, xildhibaanada wada joogaana ninba nin ayuu wataa oo daba taagan haday wasiiro noqoto haday xildhibaano noqoto iyo haday salaadin noqotaba oo u ololaynaya doonayana in uu xil kaasi helo”
