Uncategorized

Barawe:Shabaabka Oo Aqalladooda Kala Baxay Haween Looga Shakiyey Arrimo Basaasnimo

Barawe:Mar,12,2015(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya Deegaanka Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose, waxa ay ururka Shabaab Aqalladooda kala baxeen Saddex Haween ah oo looga shakiyey arrimo basaanimo Dawladda Federalka  la xidhiidha.

amooDadka deegaanka waxa ay sheegayaan in Dumarkaasi xili habeenimadii xalay ah ay kala baxeen aqaladooda, iyagoona ku ritay gaari nooca  raaxada ah oo ay wateen.

Sidoo kale, Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dumarkani la afduubtay ay kamid ahaayeen kuwa deegaanka islamarkaana laga soo kala qabtay Saddex guri oo kala duwan, xilli habeenimo ah.

Lama sheegin halka ay la’ aadeen dumarkaasi, waxaana la rumeysan yahay in raga afduubka kula dhaqaaqay ay kamid ahaayen Amniyaadka Kooxda.

Laba maalin ka hor inta aanu Afduubka dumarkaasi dhicin, ayaa la sheegayaa in Kooxdu ay tageen guryaha haweenkaasi balse ay soo waayeen kana soo noqdeen.

Maamulka Degmada, ayaan weli ka hadal dhacdadaani mudooyinkaani dambe kusoo badaneysa magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com