Uncategorized

Afhayeenkii Ciidanka Booliska Somaliland Oo Hargeysa Ku Geeriyooday Laguna Aasay

Hargeysa:Mar,12,2015(SDN/QJ)-Allah ha u naxariistee waxa Maanta Magaalada Hargeysa ku Geeriyooday Afhayeenkii Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Cabdilaahi Xasan Faarax oo in muddo ahba ku xanuusanayey Cisbitaalka Guud ee Hargeysa.

marxuuoMarxuumka, ayaa Maanta lagu aasay Xabaalo ku yaalla Hargeysa, waxana Aaskiisa ka qaybgalay Saraakiil sare oo xukuumadda, Ciidanka Booliska, Aqallada Baarlamaanka iyo Guurtida iyo Waliba Mucaaridka katirsan, waxana Madaxda Qaranku tacsi u direeen Ehelkii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday.

Marxuum Cabdilaahi Xasan Faarax ayaa Muddo Kooban ahaa Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland, waxana lagu xasuustaa shaqo wanaag iyo Hawlkarnimo uu muujiyey muddadii uu xilkaas hayey.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com