Minneapolis:April,25,2015(SDN/QJ)-FBI-da Maraykanka, ayaa Xabsiga dhigtay Wiil soomaaliyeed oo lagu eedaynayo inuu Boggiisa Soo dhigay hanjabaado ka dhan ah Saraakiisha Dambi-baadhista iyo xeer ilaalinta Gobolka Minnesota.
War qoraal ah oo kasoo baxay hay’adaha dambi badhista Maraykanka ee magaalada Minneapolis ayaa lagu sheegay in Maxamed Abuukar Saciid ay Hay’adda FBI soo xidhay shaley galinkii dambe, kadib markii lagu eedeeyey wiilkan inuu boggiisa xidhiidhka bulshada ee uu ku leeyahay Internet-ka uu ku soo qorey hadalo uu ugu hanjabayo saraakiil ka tirsan FBI iyo Xafiiska Xeer ilaaliyaha gobolka Minnesota.
Arrintan ayaa ka dambaysay kadib markii dhowaan la xidhay 6 dhalinyaro Somali Mareykanka ah oo la sheegay inay qaarkood isaga saxiib la ahaayeen.
Eedaha Maxamed Abuukar loo haysto waxaa ka mid ah inuu soo dhigay boggiisa xidhiidhka bulshada sawirka qof uu ku eedeeyey inuu ka dambeeyey xadhiga dhalinyaradaas, isaga oo markaas hanjabaad u soo jeediyey.
Qoraallada wiilkani soo dhigay Boggiisa, ayaa la sheegayaa inay kamid ahaayeen inuu dili doono Ragga uu sawirradiisa soo dhigay Boggiisa, isla-markaana haddii Kooxda Saaxiibadii ah lasoo dayn waayo uu dhici doono Gumaad darani, intaas wixii ka dambeeyana aanu cabsi ka qabin in lasoo xidho.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
