Uncategorized

Garyaqaanka Guud oo Iftiimiyey Khalad Madbaci ah Oo Ku Soo Baxay Buugga Faafinta Rasmiga ah.

Hargeysa ( )- Garyaqaanka Guud ee Qaranka Ibraahim Iidle Saleebaan, ayaa sheegay in khaladaad madbici ahi ku jireen cadadkii 12-aad ee faafinta rasmiga ah ee xeerarka dalka ee ay baahiyeen sanadkii hore, taasi oo ay hadda dib u saxayaan.

1509109_960788437275033_592913409696032749_nSidaasna waxa lagu sheegay qoraal uu maanta soo saaray Garyaqaanka guud oo u dhignaa sidan:-

“Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranku waxa uu u iftiiminayaa dhammaan bulshada Somaliland, iyo bahda Saxaafadda in Faafinta rasmiga ah ee Qaranka cadadkii 12aad ee soo baxay sanadkii 2014-ka, uu ku jiray khalad dhinaca daabacadda ah, gaar ahaan; Wax ka bedelka xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, (Xeer No: 37/2007).

Khaladaadkaasi oo xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranku uu ku baraarugay, horena u qaaday talaabooyinkii lagu sixi lahaa oo ay ka mid tahay in nuqulka bishan soo baxaya ee Faafinta Rasmiga ah ee Qaranka dib loogu baahiyey sixidda qaladkaas madbaciga ah.”