Hargeysa, May,13, 2015(SDN/QJ)-Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageerta Arrimaha Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyadda, ayaa ku Hawllan qorshe cuno-qabatayn lagu saarayo xubno Xukuumadda iyo Golaha Guurtida katirsan oo lagu calaamadiyey inay wadaan nidaamyo lagu fashilanayo samaynta Muddo-kordhin loo midaysan yahay.
Sida wararku sheegayaan xubnaha la calaamadiyey ee Beesha caalamku isla garteen inay Muddo-kordhinta khilaafka abuurtay wadaan, ayaa waxa kamid ah Marwada Koowaad ee dalka marwo aamina waris iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo isagu ku dhiirraday inuu Golihiisa ku qanciyo samaynta Muddo-kordhin xaalad khilaaf dalka gelisay.
Sidoo kale waxa xubnaha la cuno-qabatayn doono kamid ah xubno ku jira Labada Gole ee Shacidejinta iyo Fulinta oo aan wali warbaahintu magacyadoo si rasmi ah u helin, kuwaas oo tuhunka beesha caalamku galay.
Waftiga beesha caalamka oo uu hogaaminayo Wakiilka gaarka ah ee Midawga Yurub u qaabilsan arrimaha Somalia Michele Cervone d’Urso ayaa kulamo gooni-gooni ah oo ay shalay galinkii hore iyo kii danbe-ba la yeeshay Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, guddoomiyaha guurtida iyo madaxda saddexda xisbi-qaran waxay kaga wada-hadleen arrintan mudo-kordhinta 22-ka bilood ah ee ay Golaha Guurtidu dorraad u sameeyeen xukuumadda Siilaanyo oo mudo-xileedkeedu kaga eegyahay 27-ka July 2015-ka, waxaanay waftigani cadeeyeen in mawqifka beesha caalamka ee ku aaddan arrimahani yahay in laga noqdo go’aanka mudo-kordhinta ah ee 22-ka bilood ah, lana waafajiyo halkii halkii sano ee Komishanku qabsaday inuu ku qabanayo doorashooyinka, haddii kale ay talaabooyin cunaqabayn iyo xayiraaddo ah kusoo rogi-doonaan xubno ka mid ah dawladda iyo qoyska Madaxwaynaha, kuwaas oo uu Wargeyska Haatuf magacyadooda sii sheegay laba todobaad ka hor.
Sidoo kale warbaahinta xukuumadda sida Idaacadda Radio Hargeysa iyo Telefishanka Qaranka ayaa shalay, xalay ilaa maanta baahinayey barnaamijyo borobogaando ah oo beesha caalamka lagu eedaynayo inay qas iyo xiisado siyaasadeed ka abuurayaan Somaliland, waxaana ka mid ah masuuliyiinta xukuumadda ee beesha caalamka dhawrka jeer sida qaawan ugu weeraray arrintaasi Wasiirka Daakhiliga Cali Warancade.
Dhinaca kale sida ay tibaaxeen xogo aan wali la xaqiijinin waftigan ayaa xukuumadda Somaliland ku wargaliyey hadii la diido taladooda inay hay’adaha caalamiga ah ee ku sugani dalku ay ka bixi doonaan.
Source:Haatuf.
SDN/QJ
