Uncategorized

Wasiir Warancade oo Xidh Xidhay Shaqaalihii Diiwaangelinta Muwaadinka iyo Waxyaabaha Keenay

Hargeysa, 14 May, 2015 (SDN/QJ)-Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Warancade ayaa xabsiga dhigay shan ka mid ah shaqaalihii diwaangalinta oo cabasho la hortagay wasaaradda arimaha gudaha Somaliland,iyagoo sheegay inay ka cabanayaan inaan wax lacag ah la siin muddo saddex bilood ah oo ay shaqada diwaangalinta ku jireen.

Wararka ayaa sheegay in wasaaradda arimaha guduhu xabsiga dhigta shaqaalahaasi oo wasaaradda arimaha gudaha o doontay sida ay sheegeen lacagtii ay ka qaadan jireen ee ay ku shaqo galeen.

WARANCADE IYO TALIYAHAShaqaalah diwaangalinta ayaa cabasho ka hordhigay wasaaradda arimaha gudaha Somaliland taasi oo sababatay in qaar ka mid ah la xidhxidho.

Qaar ka mid ah shaqaalah hawsha diwaangalinta dalka ka waday oo aanu la xidhiidhnay ayaa noo xaqiijiyay in salaadii hore ee shalay ay tageen wasaaradda arimaha gudaha iyagoo u socday inay ka soo qaataan kharash saddexdii biloow ee u dambeeyay ay wasaaraddu ka haysatay kaasi oo la sheegay inaan wakhtigan la siin dooni isla markaan markii ay hadal iyo dhaqdhaqaa sameeyeen wasaaraddu xabsiga dhigtay,waxanay noo xaqiijiyeen inay xabsiga ku jiraan hadda shan ka mid ah shaqaalahaasi.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com