Uncategorized

Qalab Lagu Ogaanayo Dadka Dambiilayaasha ah Oo Dhawaan Muqdisho La Keeni Doono Iyo Hadal-hayntiisa Oo Oo Socota

Muqdisho:May,15,2015(SDN/QJ)-Agab la sheegay inuu awood u leeyahay ogaanshaha cidda dambiyada gasha, ayaa dhawaan la keeni doonaa Magaalada Muqdisho, sida Xukuumadda Federalka Somaliya ay Xaqiijisay.

vesRidwaan Xaaji C/weli, Afhayeenka Xukuumadda Somaliya, ayaa daaha ka rogay in qalabkaasi uu laamaha ammaanka ka caawin doono ogaanshaha dadka eedeymaha loo heysto.

Afhayeenka oo galabnimadii shalay shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, ayaa cadeeyay in Golaha Wasiirada ay dood ka yeesheen qalabkaasi, isla-markaana ay isku raaceen in dalka la keeno.

Ridwaan Xaaji C/weli, ayaa qeexay in qalabkaasi ay adeegsato dunida horumartay, haddii dalka la keenana ay sahlanaan doonto ogaanshaha dadka dembiile-yaasha ah, sida uu sheegay.

Ridwaan, ayaa ka gaabsaday goorta ay suurta gal noqon karto in qalabkaasi la keeno Somaliya, marka laga soo taggo in Xukuumaddu keeni doonto dalka.

Sidoo kale maanu kala cadayn dalka laga keeni doono qalabkaasi iyo cidda Xukuumadda ka caawineysa, in markii ugu horeysay la keeno Magaalada Muqdisho.

Hay’adaha ammaanka ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa marar kala duwan lagu eedeeyay inaan lagu kalsoonaan karin baadhitaanada ay sameeyan, bacdamaa dad badan oo dacwado, ay ku soo ogayn lagu tilmaamay wax Cadaaladda ka fog.

Shacabka Magaalada Muqdisho, ayaa si weyn u hadal haya agabkaas wax lagu ogaanayo ee Dhawaanta la keenayo, waxana ay kaga faalloonayaan Fikrado kala duwan oo la xidhiidha qof waliba aragtida uu ka qabo hannaanka uu qalabkaasi ku ogaan karo waxa qofkani sameeyey.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com