Waxaa xaqiiqo ah in Siilaanyo iyo Saleebaan Burburiyeen Qaranimadii S/land, kana door bideen Arimo Shakhsi ama Deegaan, hadaba bal Qodobadan kooban ee salka u ah burburinta hanaqaadkeenii curdinka ahaa iyo Iftiinkii u baxayey S/land ila eega:
1) Siilaanyo waxuu sameeyey Xukuumad tiro badan oo dhinac ka raran
1a) Saleebaan marnaba lama arag isagoo xukuumadan siilaanyo ka hadlaya sidii looga bartay inuu xukuumadihii hore u dhaliilo
2) Siilaanyo waxuu abuuray wasiiro awood khaas ah leh, dhaqaale khaasana leh, isku-deegaana ka soo jeeda
2a) Saleebaan inuu u riyaaqo wasiiradaas awooda iyo dhaqaalaha badan mooyee marna ma uusan dhaliilin hab-dhaqankaas foosha xun ee dalka ku cusub
3) Siilaanyo waxuu Kooto walba oo dhaqaaleed u xidhay intii dadka ugu xigtay
3a) Saleebaan wuu ugu sacab tumay ficilkaas siilaanyo ku kacay ee foosha xun ee baalmarsan wax-wada-lahaanshihii S/land
4) Siilaanyo waxuu xeerkii S/land ka saaray qodobkii ahaa inaan S/land qadiyadeeda Soomaliya loogu hor-fadhiisan
4a) Saleebaan golihiisa duuduub buu uga ansixiyey Qodobkaas
5) Siilaanyo waxuu tixgelin-waayey cabasho badan oo uga timid deegaamada qaar oo qaabka wax-qaybsiga iyo Amniga salka ku haysay
5a) Saleebaan Qosol iyo Jees-jees buu ugu jawaabay markay cabashadii deegaamadaasi isaga gaadhay
6) Siilaanyo colaad iyo dagaalo ayuu ka bilaabay Dalka, deegaamada qaarna wuxuu ka barakiciyey dadkii deganaa ee reer s/land-ka ahaa
6a) Saleebaan talada dagaalka deegaamada qaarkood isagaa ka dambeeyey oo dabada ka riixayey
7) Siilaanyo wuxuu cabudhiyey, xidh-xidhay saxaafad walba oo tilmaanta waxa dalka ka khaldan
7a) Saleebaan saxafadaas la xidh-xidhay weligii kama hadal, marka saxaafadu wax ka waydiisana waxuu ugu jabaa hadalo Kaftan, Qosol, Yasid iyo Jees-jees ah
8) Siilaanyo garsoorkii dalka, guurtidii qaar-ka mid ah iyo intii badnayd golihii baarlamaankaba wuxuu hoosgeeyey Madaxtooyadiisa
8a) Saleebaan aad buu ugala shaqeeyey in talada dalka oo dhami madaxtooyada ka soo baxdo xiligan Siilaanyo talada Dalka hayo
9) Siilaanyo Dal iyo Dad isku duuban baa loo dhiibay oo xukuumadii ka horaysay ku wareejisay wuuna kala yaaciyey
9a) Saleebaan deegamadaas iyo Dadkaas la kala yaaciyey dabaduu ka sii riixay wuuna ugu sacabtumay Siilaanyo
10) Siilaanyo S/land waxuu dhex-geliyey Soomaaliya oo taladii dalku waxay hoos tagtay Xamar
10a) Saleebaan wuu ugu sacabiyey Siilaanyo khiyaamooyinkaas Qaran ee uu ku kacay.
