Bujunbura:May,19,2015(SDN/QJ)-Xiisaddii dalka Burundi, ayaa markii kale sii laba kacday, kadib markii uu Madaxweyne Pierre Nkurunziza, shaqada ka eryay Wasiiradii Arrimaha Dibadda, Difaaca iyo Ganacsiga, Kuwaas oo loo tirinayo inay ku lug lahaayeen Inqilaabkii dhawaan dhicisoobay.
Afhayeen u hadlay Madaxtooyada Magaalada Bujumbura, ayaa BBC u sheegay in Madaxweynuhu uu xil ka qaadis ku sameeyay saddexdaasi Wasiir.
Madaxweynaha Burundi, ayaan si buuxdo loo garanayn waxa sababay xil ka qaadista uu ku sameeyay Wasiiradaasi, balse waxaa la ogyahay in siyaasad cidhiidhi ihi ay dalkaasi ka jirto.
Tani waxay ku soo beegmeysaa, xilli banaanbaxyo looga soo horjeedo in mar 3-aad uu xilka u tartamo Madaxweynaha, ay ka sii soconayaan Magaalada Xarunta ah ee Bujumbura.
Booliska iyo Milirariga, ayaa rasaas digniin ah ku kala eryay boqolaal ruux oo isugu soo baxay Magaalada Bujumbura, si ay u dhigaan dibadbax ka dhan ah Madaxweynaha.
Pierre Nkurunziza, ayaa toddobadkii hore ka badbaaday afgembi la doonaayay in kursiga looga tuuro, walow ay taasi meesha ka baxday, markii inta badan Ciidanka Militariga ay la safteen.
Xukuumadda Bujumbura, ayaa Sabtidii xabsiga u taxaabtay Saraakiil ciidan, ka dib markii lagu helay inay ka qayb qaateen afgembigii dhicisoobay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
