Uncategorized

Dhallinyaro Reer Falastiin ah Oo Jabsaday Siro Hoos Ugu Qarsoonayd Yuhuudda Quddus Haysata

Qudus:May,19,2015(SDN/QJ)-Hoggaanka Yuhuudda Deggen Deegaanka Barakaysan ee Qudus, ayaa sheegay in xubno katirsan Dhaqdhaqaaqa Reer Falastiin ee Xamaas, ay jabsadeen mareego ay Isra’iil leedahay, kadibna ay ugu hanjabeen in wabsaaydyada siruhu ku jiraan ay dibada u soo dhigi doonaan.

salecOlolahan jebinta mareegaha Isra’iil khaaska u leedahay lagu qaaday, ayaa dhacayey horaanta bishii April ee sanadkan, iyadoo waliba qayb ka ah dhaqdhaqaaqyda xornimo-doon ee Falastiniyiintu kaga soo horjeedaan siyaasada dhul ballaadhsi ee Yuhuuda.

Hay’adda Ka Jawaabista Degdega ah ee Kombuyuutarada Israa’iil, ayaa sheegtay in kooxo shicib ah ay sheegaan in ay weerari doonaan kumanaan mareegood oo Israa’iil laga leeyahay, gaar ahaan mareegaha sirta iyo ururrada aan dawliga ahayn, waxaanay masuuliyiinta Isra’iil beeniyeen in mareegaha dawladdu leedahay aan la bartilmaameedsan oo ammaankoodu adag yahay.

Mareegaha la jabsado ayaa lagu baahiyaa sawirro ku saabsan goobaha barakaysan ee Qudus amma millatariga Xamaas oo sita callankooda iyo waliba farriimo lagu muujinaayo Yuhuud nacayb.

Waxa dhawaan lagu baahiyey mareego la jabsaday muqaalo lagu muujinaayo dagaalkii dhawaan Isra’iil ku qaaday Qasa, gaar ahaan dhibaatooyin ka soo gaadhay shacabka, taasoo ka cadhaysiisay masuuliyiinta Israa’iil.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com