Waxaynu maqallaa erayga beesha caalamka iyadoo siyaabo badan loo adeegsado. Adeegsigaasu kuma koobna meelaha dadka Soomaaliyeed degaan oo qudha ee waxaa adeegsada adduunka oo dhan. Tusaale ahaan , waxaad arkaysaa Maraykanka oo adeegsanaya eraygaa oo leh ‘ beesha caalamku arrintaas raali kama aha’ waxaa kaloo la caadaysta in siyaasiysiin iyo bulsho Soomaaliyeed yidhaahdaan ‘ beesha caalamka ayaa sidaas na fartay’ ama ‘ beesha caalamku sidaas raali kama aha ‘ amaba ‘ beesha caalamku ha na soo gaadho’.
Maxay tahay haddaba ‘ beesha caalamku’? Xagee fadhigeedu yahay ama xagee ku sugantahay? Yaa xaq u leh inuu ku hadlo afka ‘ beesha caalamka’?
Waxaan arkay qoraal lagu shaaciyey qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland taariikhdu markay ahayd 13/05/2015 oo cinwaankan xambaarsanaa: ‘Somaliland Elections: International Community Written Statement’. War murtiyeedkaas oo ka hadlayey doorshada madaxweynaha Somalailnd ee dib u dhacu ku yimi. Waxaa ka muuqday warkaas astaamaha hay’adaha ‘UKAID’ iyo ‘ Oxfam’ waxaana ku saxeexnaa nin madax ka ah ha’yadda DANIDA ( Danish International Development Agency) oo ku sugan Hargaysa isagoo ku hadlaya magaca beesha caalamka una ekayd inuu u hadlayo OXFAM iyo UKAID oo ah laba hay’addoo oo Ingiriiska saldhigoodu yahay.
Waxay ku habboonayd in saddexdaas ha’yadood midba qoraal sidiisa u soo saaro iyagoo arrintaas ka qaba ra’yi midaysan, kadib waxaa la odhan karaa oo lagu andacoon karaa ‘ beesha caalamka’ oo arrintaas baaq ka soo saartay. Waayo ma jiraan wax beesha caalamka la yidhaahdo oo meel ku sugan oo qoraal ama war murtiyeed magacaas ku soo saari karta.
Tusaale kale , xalay waxaan dhawr casho ka hor ka maqlay mid ka mid ah telifeeshinada Somaliland iyadoo weriye leeyahay ‘ Dekedda Dubai oo ta 9 aad ee ugu weyn beesha caalamka’! Waxaad mooddaa inaynu eraygaa ku mergannay oo aynaan fahminba.
Fahan darradaasu inaga qudha kuma koobna ee waxaa ka hadlay siyaasiiyn iyo aqoonyahanno ( academics) caan ah iyagoo tilmaamayaa sida eraygaa loogu mergado ama aan loo fahmin.
Qoraagga caanka ah ee Maraykanka ah ee la yidhaahdo ‘Noam Chomsky’ oo dhawr cilmi ku takhusasay lana yidhaahdo waa: ‘ linguist, philosopher, cognitive scientist, logician, political commentator, social justice activist and anarcho-syndicalist advocate’ marjacna u ah (buugaagtiisa) ardayda luqadaha ku takhusasa ayaa ku qeexay ‘ International Community- beesha caalamka ‘ inay tilmaamayso Maraykanka iyo xulafadiisa iyo wuxuu watto oo ay ku jiraan saxaafaddu. Aqoonyahan kale oo isna caan ah oo la yidhaahdo ‘Martin Jacques’ oo Ingiriis ah isna wuxuu ku qeexay ‘ beesha caalamka’ inay tahay reer Galbeedka. ‘Richard Haas’ oo isna madax ka ah hay’adda ‘Council on Foreign Relations’ wuxuu tilmaamay inayna jirinba wax la yidhaahdo beesha caalamku.
Qaamuuska ‘Cambridge’ wuxuu ku macnaynayaa ‘ International Community’ sida tan: ‘’ a phrase used especially by politicians and in newspapers to describe all or several of the countries in the world , or their governments , considered as a group’’, oo micnaheedu yahay : ‘ hadal ay isticmaalaan siyaasiyiintu iyo saxaafaddu iyagoo tilmaamaya waddamo ka mid ah adduunka ama dawladahooda iyagoo isku koox ah’.
Waxaynu odhan karnaa waxaa ugu habboon ee lagu tilmaami karaa in beesha caalamku isku waafaqsantahay arrin ay dawladaha badankoodu meel uga soo wada jeedaan iyadoo midba go’aan u gaar ah ka soo saartay ama lawada saxeexay sida cimilada hawada oo kale ‘ global warming’.
Qoraaga ‘Martin Jacaques’ wuxuu leeyahay waa eray ay reer Galbeedku ku adeegtaan oo si maldahan wax ugu cadaadiyaan.
Waxa dad badani aaminsanyihiin in ‘ beesha caalamku’ tahay Golaha Ammaanka (Security Council) ee Qaramada Midoobay ( UN). Waxaad mooddaa in arrintaas wax ka jiraan sababta oo ah golaha ammaanka oo ay hagaan 5 ta dawladood ee adduunka ugu xoog weyn ayay u egtahay in go’aamada ka soo baxaa adduunka kalena si qasab ku raacsanayahay ‘ kadib dawladaha waaweyn sida Maraykanka oo kale ah tidhaahdo waa go’aan ay gaadhay beesha caalamku.
Waxaan ku soo koobayaa , beesha caalamku ma aha qolo meel ku sugan ama magacaas isticmaali karta ee waa eray siyaabo badan oo maldahan loo adeegsado. Wuxuu waqtiyadan dambe ku caan baxay eraygaasu inay adeegsadaan dawladaha xoogga badan( super powers). Hay’adaha xukuumiga aan ahayn ee loo yaqaanno NGO’s ( Non-Governmental Organizations) sida Oxfam ,Amnesty International , Save the Children , MSF ( medicines Sans Frontier ) iyo wixii la mid ah caadatan looma isticmaalo inay ka turjumayaan beesha caalamka iyadoo ayna jirin wax ka maanacayaa inay isticmaalaan iyaga kuwa kaleba.
Wabillaahi tawfiiq
Maxamuud Barreh
UK
