Marka horre waxaan salaamaya dhammaan ummada islaamka gaar ahaan ummada afka-soomaliga ku hadasha meel kasta o’ ay joogan, sidoo kale waxaan salaamaya warbaahinta madaxa- banaan ee tebisay dhukmantigan (document) .
Intaas ka dib documentigan ama maqaal kan waxaan ku eegi doona warbixin dhowaan ay tebisay hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan tiro koobka dadweynaha ee loo yaqaan UNFPA, taas oo ku soo bandhigtay caasimadda Soomaaliya mogadishu, war-saxafadeed lagu qabtay xaarunta wasaaradda qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah, ayaa lagu shaaciyey in tirro-koob lagu sameeyay 18kii gobolle hore ee soomaaliya. warbixin aan rasmi ahayn oo ay si wada jir ah usoo saareen hay’ada UNFPA, xukuumada federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa waxay ku sheegeen in tirade dadka soomaliya kor u dhaaftay 12 million iyo 3,000 kun, dadka reer magaal ka ayaa la sheegay in tiradoodu gaadheyso 5,216,392 taas oo ah 42% , reer guuraga ayay war-bixintu ku sheegtay tiradooda 3,186,965 taas oo ay waddarta guud ka yihiin 26%, halka warbixintu sheegayso beeraleyda 2,805,787 oo ka dhigan 23%. sidoo kale waxey war-bixintu xustay barakacaayasha oo noqday 1,100.000 taas oo ah oo u dhigan ta boqlley ahaan 9 % .
Kol ka tiro-koob la sheegayo markiiba waxaa maanka dad keena ku soo dhacaysa gobol kee ama qabiil kee tirada ugu badan, yaa-se noqday gobolka ama qoladda ugu yar.
Waxaa is-ka caaddo noqotay in sheikh iyo shariif , culimmo iyo caammo , carruur iyo cirroole ay si balaadhan inoogu baahday aafada qabyaalada , taas oo sababtay in lagu mashquulo tirada reeraha. maalmihii uu warkan soo baxay ayaa laga daalacan karayay goobaha soomaalidu isugu timaado kalmado la is-dhaafsanayay ‘‘reer hebel iyo reer hebel kee badan’’.
Mudane ama marwo , waxaad ogaataa u jeedadda dhabta ah ee ka dambaysa tiro-koobkan in aad fiiro gaar ah u yeelatid , run ahaantii waxaad ogataa in tiro-koob kan uu ummada soomaliyeed iska horkeenayo, waana mid ujeeddo gaar ah laga leeyahay , si ummadan soomaliyeed masiir-kooda iyo aayahooda ay mustaqbalka ka qabaan god-dheer loogu riddo , ayaa la waxa la daraaseeyay halka laga wiiqo karo ( weakness point), macnaha oo ah in lagu mashquuliyo meesha aanay isku fikir ka aheyn miisaanka loo badiyo, waxaa taas kuu cadeynaya sida horta leh e’ ay u khilaafeen dhammaan dad ka degga deeganadaas tirokoobkan lagu sameeyay.
Ma ogtahay akhriste sahan qiyaaseedkan lagu cabbirey tirada dadka soomaliyeed ay-san suurto-gal aheyn, sida uu sheegayo khabbiir soomaliyeed oo ku takhasusay cilmiga isku cel-celis ka iyo tiro-koob ka (statistics) ka oo ku nool waddanka talyaaniga, ayaa xusay mar wareysi la-la yeeshay “ sida kaliya ee lagu ogaan karo tirada dadka ay tahay in hal hal loo tiriyo , isaga oo ku nuuxnuuxsadey in aysan suurto gal aheyn in ummada la hor keeno wax la leeyahay waa qiyaas, aanay sal iyo raad toonna laheyn.
Nuxurka maqaalkay ga ayaa ah in tiradan lagu qiyaasey ummada ay tahey mid xaqiiqda ka fog, ayna ka badantahay inta lagu sheegay maadama xubnihii ka qeyb qaadanay ay ujeeddooyin gaar ah ka lahayeen,
Si ummadan soomaliyeed loo majarro habaabiyo ayaa waxa cadaatay , been abuurka tiradooda lagu sheegay iyo ayaan-darrada haysata madax da soomliyeed e’ ogalaatay tebinta warbixintan.
Mudanne ma ogtahay in qarnigan la joogo adduunka laysku dhaafey tirada shacab ka ama mala socotaa in dhammaan wadamada carabta ay haysato tiro yaraan ayna sababtay in ciidamo ka qortaan wadamadda africa ku yaal sidii u sameyn jiray hogaamiyihii liibiya al-qaddaafi, haddaba ma ka fikirtay in wadankan ay ajaanib la wareegen marka ay maqlaan in waddanka dhan ee soomaaliya ay ku noolyihiin 12 million , soomaaliya ayaa laga cabsi qabaa in ay buux dhaafiyaan bulshooyinka la jaarka ah xilligan la joogana ka xoogsada deeganada soomaaliya, tusaale ahaan deeganaada puntland waxaa buuxiyay ajaaniib ka timid itoobiya gaar ahaan qowmiyadda oromiya, waxayna ku dhaqan yihiin laga bilaabo gaal-gacayo, boosaaso ilaa garoowe. Sidoo kale deeganadda soomaaliland waxa ay ku badan yihiin deeganka wajaalle oo qarka u saaran in uu gacanta u galo ajaanib.
Soomaliya waa waddan ay kheyraad buux dhaafiyeen, laakin ay soomaalidu dareensaneyn oo dhul kale u hilaacayo, ( maroodigu takarta saarran ma arkee, ta tu kale saarran ayuu arkaa). Waxaa aan daawaday war-bixin laga sameeyay webiga jubba iyo darraasad laga sameeyay oo xustay in webbiga jubba uu kafeynn karro nolosha dad tiradooda lagu sheegay 60 million oo qof.
Si kastaba ha ahaatee waddanka soomaliya waxa uu ku fadhiyaa dhul baaxadiisu lagu qiyaasay 637,657 square kilometer , iyo bad dhererkeeda lagu cabbirey 3,025 km, webiga ugu dheer waa shabbelle dhererkiisu waa 11,30 km, buurta ugu dheer waa shimbiris 2,460 km , sidoo kale xeebta soomaaliya waa xeebta ugu dheer africa iyo bariga dhexe. kheyraad intee leeg ayaa ku jiri kara badda somaaliya ?
Tiro koob lagu sameeyay Soomaalia ka hor dagaaladdii sokeeye ayaa lagu cabiray in tiradoodu dhantahay ku dhowaad 8 million halka imika lagu sheegay 12 million , ummadani ma dad aan koreyn baa oo aan waxba dhallin baa (infertile population), qiyaastii muddo dhan 30 sano ayaa waxa dhacay korodh dhan 4 million , caqliga sallimka ah ma geli kartaa , ma la socotaa in caasimadda waddanka Ethiopia ay ku noolyiiin tiro dhan 4 million, anigu aragti ahaan uma jeeddo in soomaaliya dadka ku nooli ay badan tahay , laakin micnaha ayaa ah in laga been abuuray koboca koritaan, ay sameysay sannadooyinkii la soo dhaafay (annual population growth).
Marka laga hadlayo koritaan umadded ayaa ah shay muhiim ah , tusaale ahaan waddanka mareykanka dadka ku nool ayaa waxa lagu qiyaasaa tiro dhan 300 million , 2011_ 2012 dadweynaha wadanka U.S.A ayaa wuxuu kordhay 0.75% rate u dhiganta 2.3 million qof.
Sidoo kale ma ogtahay in mujtamaca waddanka france uu marayo 66 million oo qof mudaddii u dhaxeysay 2014_ 2015 , waxa cajiib ah in dadka france ay ku kordhaan 912 qof maalin walba. Sida ay sheegtay hay’adda central intelligence agency , gaar ahaan (world fact book).
Marka ay aad warbixintan daalacatid ayaa waxa maskaxdaada ku soo dhacaya in aysan suurto gal ahayn in kooritaan bulsho ka dhici karto koonfurta Soomaaliya, maadama ay jiraan dagaallo sokeeya oo sababay in wadanka laga qaxo, laakin run ahaantii saameyn weyn kuma yeelan karto waayo waddanka suudan gaar ahaan south sudan, waxa ka socday dagaallo dabbo-dheeraaday, waxaana lagu qiyaasay in dad gaadhaya 2 million oo qof ka barakaceen, waddanka S. sudan tirada dadweynaha South sudan ayaa noqotay 11.73 million, sannadii 2011, iyadoo la sheegay in 11% aan dadka la wada tirkoobin sida lagu shaaciyey world fact book oo ka soo baxa ( CIA).
Cajiib! ma jirto cid isweydiisey , imisa ayaan dadka la tirin ? tiro-koob ka, miyaa la saxay? miyaa la qaldey? Sidee ’ wax yihiin ! waxa la hadal hayaa qabiilkee ugu tiro batay, allah ha unaxriistee abwaan timocade mar uu ka gabyey qabyaalada ayuu yidhi :
‘‘darrejada ilaahay ninkii doonayaa hela e’ nin ka duddey distoorka iyo waxyiga diinta ka carrowye,,, dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane’’
Akhriste fadlan fiiro gaar ah ; waxaad ogaata in sahan qiyaaseed kan la sameeyay ay sidoo kale ku jirto dhul weynaha Soomaaliland oo ah dhul xasillan , tan iyo markii ay holceysay koonfurta Soomaaliya oo dhammaan kaabayaashii nolosha oo dhan ka jireen , hargeysa waa magaalo madaxda Soomaaliland , marka aad maqashid weedha caasimadd , waxaad xusuusata in caasimadu ay mar walba ka tirro badato deeganada kale ee wadanka, run ahaanti hargeysa waa magaallo weyn waxaana ku nool dadweyne fara-badan oo isugu jira dadka u dhashay iyo dad kale ,waxa tirokoobka lagu sheegay in ay ku noolyhiin 1 million, laakin waxaa ku nool dad kor u dhaafaya inta sahanka lagu sheegay, taas na waxaa laga dareemi karaa saxmada iyo cidhiidhiga baahsan ee ka jira caasimadda iyadoo magaaladu ku fidey dhul ka miyiga ah eek u geddaman.
Dhinaca kale, xarrunta gobolka beri ,ee boosaso waa gobolka ugu balaadhan soomaliya waxaana weeye xarrun ganacsi, waxaa ku nool dad aad u badan kuwaas oo ah dadkii deeganka lahaa, iyo bulshoooyin kale tiro badan, oo ka ganacsada magaalada kuwaas oo ka kale yimid goboladda koonfurta iyo deegamo kale , waxaan is-qaban tirada lagu cabbirey iyo tirokoobka saxda ah.
Sidoo kale haddii aan gunnta iyo gebe-gabada u galo, mar uu saxaafada la hadlayay gudoomiyaha gobolka banaadir muddane muungaab, ayaa waxa uu sheegay in muddo hada laga joogo labo sanno kahor , tirada caasimadda soomaaliya maraysay 2 milyan oo qof, waxba kama jiraana ku tilmaamey.
Aqoonta waxaa ka soo horeysay caqliga bini’aadamka e’ ka shaqeysii caqligan, oo wax la soo dhoobay yaan la gu marsiin weligaa , sidoo kale waxaa aan talo guud siinahaya madaxda iyo ummadda soomaaliyeed, haddii la doonahayo in dadkan iyo dalkan horumar waarra la gaadhsiiyo, hala abaarro waxa umaddu ka mideysantahay ee yaan lagu mashquulin waxyaabo dadka is-ka horkeenaya , tusaale hadii tirokoobka sidan loo sameyn lahaa:
- Gobolkee ugu kheyraad badan amma ugu wax soo saar badan?
- Gobolkee ugu goobo waxabarasho badan ama ugu tacliin badan?
- Gobolkee ugu waddooyin fiican, IWM
Ma ogtahay in gobol kastaa u tartami lahaa siduu waxkasta kaalinta fiican uga gali lahaa, bilaahi calaykum ma been ayaan sheegay !
Dr ABDIRAHMAN ABDILLAHI ADEN (D, MD ).
Documentalist
Seasonal author
