Uncategorized

Tunisia oo ka cabsi qabta Weeraro Qaraxyo ah oo ka dhaca Caasimada dalkaasi

tunisTunis,7sep,2015(QJ/SDN)-Masuuliyiinta dowlada Tunisia ayaa ka digay suurta-galnimada weeraro loo adeegsado gaadiid oo ka dhaca caasimada dalkaasi ee Tunis, waxaana la mamnuucay in gaadiidka qaar adeegsadaan qeybo kamid ah magaalada caasimada ah.

Arinta mamnuucida gaadiidka ayaa ka dambeysay markii laamaha amaanka dalkaasi ay ogaadeen warbixino la xidhiidha weeraro la qorsheeyay oo lala damacsan yahay caasimada dalka Tunisia, Wakaalada wararka Tunisia ee TAP ayaa sidaasi baahisay.

Wadanka ku yaala waqooyiga Africa ayaa ku jira xaalad deg deg ah kadib markii weeraro dad badan ku dhinteen lala eegtay goob loo dalxiis tago.

Wakaalada wararka TAP oo soo xiganeyso ilo xog ogaal ah oo ka tiran wasaarada arimaha gudaha Tunisia ayaa sheegtay in suuro gal tahay kooxo hubeysan iney bartilmaameyd ka dhigtaan goobaha muhiimka ah ee ku yaala bartamaha caasimada Tunisia ee Tunis.

Amaanka caasimada dalka Tunisia ayaa aad loo adkeeyay, waxaana lasoo dhoobay waddooyinka muhiimka ah ciidamo badan oo ka tirsan booliska dalkaasi.

Xigasho: Xogdoon

QJ/SDN:Hargeysa