Nairobi 01.Dec 2015 (SDN/QJ):- Waddanka Kenya ayaa dhibaato Culus kala kulma Kooxaha argagixisada ee Ku Sugan dalka Somalia Sida Xarakada Alshabaab oo ka soo gudba Xadka u dhexeeya labada dal isla markaana falal argagixiso ka fuliya Gudaha Kenya.
Kooxda Alshabaab Waxay Hawlgalo Cilmiyeysan kaga fuliyeen Falal argagax badan leh Sida Dhacdadii West gate oo ku taala Magaalada Nairobi, Gumaadkii Jaamacada Gaarisa, Iyo Beegsiga Dalxiisayaasha ku Sugan Xeebaha dalka Kenya.
Dawlada Kenya Cabsiada ay ka qabto Kooxaha argagixisada ee uga soo talaabaya dhinaca Somalia Waxay ku Keliftay inay Hindisto Dhisme Dayr ah oo loo Samaynayo Xuduuda ay Wadaagan Somalia iyo Kenya,Balse Khatarta Alshabaab iyo Kooxaha ay Isku fikirka Yihiin Weli waa ku Halis amaanka dalkaasi.
https://www.youtube.com/watch?v=8UTmZimdixE
