Ceerigaabo 01.Dec 2015 (SDN/QJ):- Shil baabuur oo ka dhacay inta u dhaxaysa Magaalooyinka Ceerigaabo iyo Ceel afweyn ayaa dhaawacyo ka soo gaadheen Wakiilka iyo Weriyaha Wasaaradda Warfaafinta ee Gobolka Sanaag Maxamud Maxamed Xasan Saraaf iyo Weriyaha Telefishanka HCTV uga soo warama Gobolka Sanaag Cali Aadan Daahir.
Gaadhiga Shilku ka dhashay oo ay Leedahay Wasaaradda Warfaafinta isla markaana uu waday Weriye Saraaf ayaa dhawr Jeer is rogay taas oo keentay in dhaawacyo kala duwani soo gaadhaan labada hawl wadeen,Waxaana Xaaladooda Caafimaad lagula Tacaalayaa Cisbitaalka Magaalada Ceerigaabo.
