Uncategorized

Hargaysa oo Maanta Laga Xusay Maalinta Caalamiga ah ee La Dagaalanka Iyo Xakamaynta Cudurka HIV/AIDS SAWIRO/DAAWO

Hargaysa 01.Dec 2015 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jsl Mudane Axmed Max,ed Max,ud Siilaanyo ayaa maanta ka qayb galay xuska maalinta Aids-ka oo caalamka laga xuso 1.December.

Munaasibadan oo lagu qabtay Huteel Maansoor Waxaa Khudbad dhinacyo badan leh halkaas ka soo Jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo taas oo u dhignayd Sidan:-

Sannad kasta Kowda Bisha December, waxa Dunida oo dhan laga xusaa Maalinta La Dagaallanka Xanuunka HIV/AIDS-ka. Sidoo kale, Bulshada Caalamku waxay xog-waraysi iyo wada-tashiba ka yeelataa waxa ka qabsoomay dedaalka loogu jiro la dagaallanka iyo cidhib-tirka xanuunka HIV/AIDS-ka iyo waxa hadhay ee u baahan in si wadajir ah wax looga qabto. Dalkeena Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu Bulshada Caalamka kala midaysan yahay la dagaallanka iyo xakamaynta cudurka HIV/AIDS-ka.

 

Taariikhdu markay ahayd 25/8/2013-kii, waxaan Xafiiska Komishanka Qaranka ee La Dagaalanka Xanuunka HIV/AIDS-ka kaga dhawaaqay siday Madaxweyne ahaan, iiga go’an-tahay la dagaallanka iyo xakamaynta HIV/AIDS-ka. Xukuumaddaydu waxay wakhtigaa yool ka dhigatay in lagu dedaalo sidii xanuunkan loo xakamayn lahaa, si aanu u dhaafin marxaladda uu xilligaa taagnaa, una gaadhin Heerka Labaad ee loo yaqaanno Marxaladda Baahsan.

 

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Maanta oo ah  01-da December, 2015, waxaan jecelahay inaan idinku wargaliyo in ku talo-galkaasi uu fulay, oo xanuunku Waddankeena hoos ugu soo dhacay Marxaladda Koowaad, halkii uu markii hore madaxa la sii galayay Marxaladda Labaad (Marxaladda Baahsan). Labo sanno ka hor heerka uu xanuunkani Dalkeena ka marayey wuxuu ahaa %1.1, halka uu maanta hoos ugu soo dhacay %0.6, taasoo ah horumar aad u weyn oo Qarankani gaadhay, una dhiganta in Xanuunkani uu %54.6 hoos uga dhacay heerkii uu maalintaas taagnaa.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Waxaan idinla socodsiinaya in guud ahaanba Gobollada iyo Degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland uu ka muuqdo hoos u dhacaasi. Mahadda Kowaad Ilaahay baa leh, mar labaad, waxaan halkan mahad-naq iyo ammaanba uga soo jeedinayaa guud ahaanba cid kasta oo isku hawshay wax ka qabashada iyo xakamaynta xanuunkan ama wax-tar, iyo teegeero u fidisay dadkeenna la nool xanuunkan. Gaar ahaan waxaan aad ugu mahad-naqayaa Maayarka Degmada Berbera siduu wax ula qabtay Komishanka Qaranka ee La Dagaallaanka HIV/AIDS-ka iyo taageerada uu siiyey dadka xanuunkaa la nool. Waxaan ku boorrinayaa masuuliiyinta kala duwan ee Qaranka inay si hagar la’aan ah uga qayb qaataan dedaalka loogu jiro la dagaallanka iyo xakamaynta xanuunkan, daryeelna ay u fidiyaan dadka xanuunkan la nool.

 

Fadliga iyo gar-gaarka Rabbi ka sokow, hoos u dhaca cudurka HIV/AIDs-ka ee dalkeenna ka muuqda, wuxuu ku yimid dedaalka Xukuumaddan aan Madaxweynaha ka ahay oo Komishanka Qaranka ee la Dagaalanka HIV/AIDs-ku wakiil uga yahay. Iyadoo hoos u dhacaasi jiro, haddana waa inaan loo qaadan in khatartii xanuunku meesha ka baxday.

 

Waqtigan xaadirka ah, hiigsiga Bulshada Caalamku waxa weeye in dedaal badan loo galo sidii cudurka HIV/AIDs-ka loo cidhib tiri lahaa sannadka 2030-ka, haddii ALLAH idmo. Haddaba, si loo gaadho yoolkaa Caalamiga ah ee lagu cidhib-tirayo xanuunkan, waxa lagama maarmaan ah:

 

In %90 dadka xanuunka la nool ee aan iyagu is ogayni ay is ogaadaan.

In %90 dadka xanuunka la nool ee is ogi ay daawada qaataan.

In %90 hoos loo dhigo dadka cusub ee xanuunka qaada sannad kasta.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Anigoo isku xidhaya gar-gaarka ALLAH, isla markaana kaashanaya kuna kalsoon aqoonta, khibradda iyo waayo-aragnimada durugsan ee ku duugan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, gudo iyo dibedba, waxaan  halkan ka ballan qaadayaa inaan dedaal u sii geli doono cidhib-tirka xanuunkan iyo xakamaynta waxyaalaha uu ka dhashaba.

 

Ugu dambayntii, waxaan halkan codsi uga dirayaa dhammaanba hay’adaha ku shaqada leh la dagaallanka cudurkan HIV/AIDs-ka inay intii awoodooda ah ee wax la qabasho ah, ay Komishanka Qaranka la Dagaallanka HIV/AIDs-ka ka caawiyaan sidii xanuunka looga cidhib tiri lahaa dalkan Jamhuuriyadda Somaliland.

Sawirada Madashii Maanta ee Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xakamaynta Cudurka HIV/AIDS
 

 DSC_0001 DSC_0002 DSC_0003 DSC_0004 DSC_0005 DSC_0018 DSC_0019 DSC_0022 DSC_0033 DSC_0035 DSC_0036 DSC_0047 DSC_0048 DSC_0050 DSC_0055 DSC_0058 DSC_0059 DSC_0064 DSC_0066 DSC_0071 DSC_0077 DSC_0082 DSC_0089 DSC_0094 DSC_0097 DSC_0098 DSC_0112 DSC_0117 DSC_0137 DSC_0143 DSC_0150 DSC_0152 DSC_0153 DSC_0165 DSC_0176 DSC_0181 DSC_0186 DSC_0191

ALLAA MAHAD LEH,

 

Jamhuuriyadda Somaliland Ha Noolaato,

 

Af-hayeenka Madaxweynaha Jam. Somaliland,

      Xussen Adan Cige (Xuseen Deyr).