Hargeysa (QJ/SDN – Suldaan Aadan Faarax oo ka mid ah salaadiinta dhaqanka ee somaliland ayaa tacsi u diray Eheladii iyo Qaraabadii uu Ka Baxay Rabbi naxariistii janno haka waraabiyee Wasiirkii Hore Ee Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Ee Somaliland Marxuum Dr Cabdi Aw-Daahir oo saaka ku geeriyooday Magaalada Burco .

Suldaanku wuxu Marxuumka ilaahay u waydiiyay in ALLE Jannadi Fardawsa Ka Waraabiyo isagoo eheladii uu ka baxayna u rajeeyay Samir iyo Iimaan Saadiqa .
