Hargaysa 14. December 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Eng Faysal Cali Waraabe Oo ka hadlayay Xil Wareejin loo sameeyay Wasiirka Cusub ee Qorshaynta qaranka ayaa Dhaliilo Kala duwan u soo Jeediyey Xukuumada.
Faysal Cali Waraabe, ayaa si adag u duray safarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu ugu baxay goballada bariga Somaliland, waxaana uu ku tilmaamay in Madaxweynahu aanu habayaraatee ka war haynin dadka abaarahu saameeyeen isla mar ahaantaana safarkii uu ugu baxay goballada bariga Somaliland aanay ahayn kuwo looggu kuurgalaayey xaaladda abaareed balse uu ahaa mid olole looggu socday,
waxa kale oo iyada na olole siyaasaddeed uu ku tilmaamay socdaalka Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ay ku joogaan Borama, isaga oo carabka ku dhuftay in iyagu olole ku jiraan oo aanay kaba war haynin dadka abaarahu saameeyeen.
https://www.youtube.com/watch?v=rSyyjnr_vQU&feature=youtu.be
