|

Shabakadda Wararka Alleastafrica Oo Baahisay Xogo Sheegaya In Ganacsade Cabdiraxmaan Boore $10 Milyan Uu Kula Wareegayo Warshadda Sibidhka Berbera & Doorka Uu Ku Leeyahay Baashe Cawil

Dubai 19. February 2017 (SDN/QJ):-Shabakadda dalalka Geeska Afrika sida weyn looga akhristo ee Alleastafrica.com ayaa toddobaadkan baahisay maqaal ganacsi oo ay ku sheegayso in xogo ay heshay oo caalami ah tibaaxayaan in Ganacasade Cabdiraxmaan Boore oo u dhashay dalka Jabuuti isku diyaarinayo sidii uu Warshadda Sibidhka Berbera ee Somaliland kula wareegi lahaa 10-Milyan oo dollar.

Warbixinta shabakaddani baahisay ayaa tibaaxaysa in Ganacsade Cabdiraxmaan Boore oo hore door weyn ugu lahaa maalgashigii Shirkadda DPWorld ee Dalkiisa Jabuuti ka hor intii aanay isku dhicin Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu xukuumadda Somaliland kala shaqaynayo sidii uu u maal-gashaan lahaa ee loogu wareejin lahaa warshaddaasi Sibidhka oo ah warshad duug ah oo shaqayn jirtay wakhtigii xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre ka talinaysay dalka.

Warbixintan oo aannu qaybo ka mid ah idiin soo turjunnay waxa ay u dhignayd sidan:

“Cabdiraxmaan Boore oo isagu hore ugu qanciyey Imaaradda Dubai in ay maal-gashadaan Jabuuti waxa la aaminsan yahay in uu ka dambeeyey heshiiskii dalka Imaaraadka Carabta u ogolaaday in uu kula wareego Dekedda Berbera. Gacantaasi uu ku lahaa hawshani waxa ay keentay in shirkadda Dubai Ports World iyo dawladda Somaliland heshiiskaasi ku kala saxeexdaan Magaalada Hargeysa 9, May 2016.

Ninkan Ganacsadaha ah (Cabdiraxmaan Boore) oo wakhtigan ku nool Waddanka Isu-tagga Imaaradka Carabta ayaa dalka Jabuuti oo uu u dhashay ka soo baxsaday sannadkii 2009 kadib markii ay is khilaafeen Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle, kaasi oo la sheegay in loo ogolaaday in uu qayb ka noqdo warshadda Sibidhka Berbera oo ay wada yeelan doonaan Baashe Xaaji Cawil oo ah nin Madaxweyne Siilaanyo soddog u yahay.

Warshaddan ayaa la filayaa haddii ay kacdo in ay soo saari doonto in ka badan hal Milyan oo tan noqonna karta warshadda sibidh ee ugu ballaadhan Gobolka Geeska Afrika.

Inkasta oo aan laga hayn wax xog ah ganacsade Boore haddana tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa wakhti dhawaan uun sannadkii hore laga qaaday xayiraddii ganacsi ee saarnayd iyada maxkamad Ingiriiska ku taallaa ku fasaxday hantidiisa iyo dhaqdhaqaaqa ganacsigiisa ayna sheegtay in aannu ninkaasi qabin eedaha xukuumadda Jabuuti ku dacwaynaysay”. Waxa qoray warbixintan Judy Maina

Waxaanad ka daalacan kartaa Linkigan:

Exiled Djiboutian business tycoon set to invest cement plant in Somaliland

Comments are closed