|

Soomaaliya oo sheegtay in Saldhiga Imaaraadka ee Berbera keenayo aqoonsiga Somaliland Ka Hesho Dunnida, & Sababaha Keenay In Xiligan Kala Guurka ah uu Heshiiska Baaxadaa Lihi Somaliland Gasho DAAWO

London 19. February 2017 (SDN/QJ):-Xukuumada Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay cabasho rasmi ah u gudbin doonto dalka Imaaraadka Carabta, inay ku xadgudbayso midnimada dalka, isla markaana olole ugu jirta burburinta heshiiskii Somaliland ugu ogolaatay Imaaraadka carabta inay saldhig Milateri ka samaystaan magaalada Berbera, maadama taasi keeni karto aqoonsi dalka Imaaraadka Carabtu siiyaan Somaliland.

 

Sida uu ku shaaciyey  waraysi telefishanka Al Xiwaar, oo fadhigiisu yahay magaalada London, kana hadla arrimaha wadamadda Carabta, qeybtiisa luuqada Carabiga ku hadashay u xaqiijiyey Xasan Cabdi Xayle, oo ahaa la-taliyahii hore Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayuu ku xaqiijiyey in sababta Soomaaliya uga soo horjeedo, una diidan tahay heshiiska Saldhiga dawlada Imaaraadka Carabtu ka samaysanayso magaalada Berbera keenayo aqoonsi Somaliland ka hesho Imaaraadka, isla markaana laba u kala jara Soomaaliya.

 

Telefishanka Al Xiwaar oo weydiiyey sababta Soomaaliya ugu gudbin weyday cabashadooda dawlada Imaaraadka ayuu masuulkan ka tirsanaa Soomaaliya sheegay, inuu ku soo beegmay xilli kala guur soo shaac-baxa heshiisku, xilligana bilaabi doonto Soomaaliya ka hortaga dhamaystirka heshiiskaa

 

Waxuu kaloo sheegay in masuuliyiinta xukuumada Soomaaliya cabashadooda u gudbiyeen xafiiska Qaramadda Midoobay ku leedahay magaalada Muqdisho,  sida uu xog ku helay.

 

Xasan Cabdi Xayle oo la waydiiyay sababta Koonfurta Soomaaliya Ay uga Socdaan qaska iyo dagaalada Isla markaana Somaliland nabad iyo xasilooni uga jirto ayaa ku dooday in Somaliland tahay meel jabhad ka taliso, sidaa darted nabad u noqotay.

 

Hadalka khabiirkan dhinaca siyaasada kala talin jiray xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa muujinaya dedaalada Soomaaliya ugu jirto horistaaga  inuu guulaysto heshiiska dhowaan laba gole Baarlamaan, Guurtida iyo Wakiiladu cod aqlabiyad ah ugu ogolaadeen  xukuumada Somaliland inay si rasmi ah ula saxeexato Dawlada Imaaraadka Carabta heshiis ay ugu ogolaanayso saldhig Milateri ay ku yeeshaan magaalada Berbera.

 

Comments are closed