Istanbul 12. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dalka Tukriga Md: Rajab Dayib Ordugan ayaa ugu baaqay dalka Sacuudigu in ay ka qaado dawlada Qatar cuno qabataynta ay ku soo rogeen dawladaha ay hormuudka ka tahay dawlada Sacuudigu, iyadoo la qadarinayo muslimnimada,carabnimada iyo bisha barakaysan ee Ramadaan ee lagu jiro.
Mr: Ordugan waxa uu intaasi ku daray in Qatar oo la cuno qabateeyaa ayna xal u noqonayn xalinta dhibaatooyinka ka jira gobolka, isagoo xusay in Qatar ay tahay dal firfircoon oo wax tara caalamka.
Geesta kale, hadalkan ka soo yeedhay Ordugan waxa uu ka dambeeyey markii doraad Baarlamanka Tukrigu ogolaaday in ciidamo xoojin ah loo diro dalka Qatar, iyadoo Tukriga hore ugu joogeen saraakiil tababarayaal ciidan ah dalkaasi iyo xidhiidh dhinaca difaaca ah oo ka dhexeeyey.

