Washington 12. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha maraykanka Mr: Donal Trump ayaa warbaahintiisa gaarka ah ku soo bandhigay in dawlada Qatar muddo badan taageero u fidinaysay kooxaha argagixisada ah ee gobolka bariga dhexe ka jira, iyadoo qaarkood xafiisyo ku leeyihiin caasimada dalkaasi ee Dooxa.
Mr: Donal Trump waxa uu intaasi ku daray in dawlada Qatar waqtigan looga baahan yahay in ay joojiso taageerada maaliyadeed iyo siyaasadeed ee ay u fidiso kooxaha mayalka adage e gobolka ka wada khalkhalka.
Hase ahaatee, wasiirka arrimaha dibada ee Qatar Mr: Craxmaan Maxamed oo kulan kula yeeshay wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka ayaa ku dhawaaqay in dawladiisu ayna la lahayn wax xidhiidh ah argagixisada caalamiga ah ee ay arrimuhu yihiin been abuur ayna waxba ka jirin.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa horey u sheegay in isagu ka dambeeyay in dowladaha Carabta u jaraan Qadar xiriirka kuna soo rogaan xayiraad, waxaana hadaladan kasoo yeeray Madaxweynaha Mareykanka mar kale xaalada kusii xumeeya dowlada Qadar oo xaalad adag xiligan wajaheysa.
Dhinaca kale xoghaya arrimaha dibadda ee wadanka Mareykanka, Rex Tillerson ayaa si ka duwan Trump uga hadlay xaalada Khaliijka iyo xayiraada lagu soo rogay Qadar, waxa uuna ugu baaqay Sacuudiga iyo xulufadiisa in xayiraada iyo go’doominta ka qaadaan dowlada Qadar.
Qaar kamid ah Wadamada Reer Galbeedla ayaa sidoo kale wada dadaalo lagu dajinayo xiisada Siyaasadeed ee khaliijka ,waxa ayna dowladaha qaar ku baaqeen in xiisada la dajiyo wax walibana lagu dhameeyo xal diblumaasiyadeed.
Dowlado badan oo Khaliijka Carabta iyo meelo kale kuyaala ayaa shaaca ka qaaday in ay xariirka u jareen dowlada Qadar, waxa ayna sidoo kale kusoo rogeen xayiraado dhinaca socdaalka iyaga oo ka xirtay xuduudaha dhul iyo cirba.

