Hargaysa 12. June 2017 (SDN/QJ):- Waa dhab oo arrintu wax ay salka ku haysaa kaalinta ay Qadar iyo Sacuudiga mid waliba ku lee dahay korinta xagjirnimada Dunid Islaamka ka aloosan iyo waxa loo yaqaan “diinta siyaasadysan”.
Waa aynnu wada aragnaa Dunida Muslinku in ay majare habowday, oo meel daran afka saartay, oo degmo waliba burburtay oo webiyo dhiig ahi rogmanayaan. Waa aynnu wada og nahay xagjirnimda iyo colaadda intaa baaxad la’eg in ay jirto cid soo saarta oo korisa oo maalgelisaa.
Waa aynnu wada og nahay ciddaasi u gu horrayn in ay tahay dalalka Gacanka ee Doollarka waalan ka hela saliidda. Soomaali ahaan cidda ina soo gelisay xagjirnimada iyo argagixisannimadu in ay dalalkaa tahay wada ogin. Haa, laakiin ma lihin itaal aynnu ku la xisaabtanno.
Haddaba sida muuqata maanta dawlado Maraykanku u gu horreeyo Masarna ku jirto, oo tirsanaya in dhibaato weyni dalalkooda ka soo gaadhay argagixisada ayaa go’aansaday in ay arrinka wax ka qabtaan. Xagjirka Maraykanka u taliya ee Trump wax uu geed ku laalay diblomaasiyaddii iyo muddaahanadii danaysiga qabow ku dhisnayd ee Galbeedku ku haysteen carabta hodanka ah.
Wax uu la yimid siyaasad waalan oo ah in la gu wada dhaqmo xoog iyo xeerka kaynta. Trump carabta wax uu u la badheedhay hadalka ah, dawlado sharci ah ma tihidin ee wax aad tihiin daaquudyo aannu meesha ku ilaalinno, idinkuna wax aad soo saarteen xagjir naftayada iyo dantayadaba wax yeelaya, markaa waannu idin dumin oo saliiddiinna xoog ku qaadan. Aal Sacuud ayaa runtaa qaawan miiska loo saaray. Iyaguna maya ma dhihi karaan oo waa run oo dawlad dabiici ah oo dadkeedu oggol yahay ma aha ee waa qoys baaddil ah oo aan gaalada la’aanteed gelin qudha jiri karin.
Dabadeed wax aynnu daawannay Aal Sacuud oo bixinaya laaluush aan xaddigiisa garashadu rumaysan karin (400 bilyan USD!) si aan buulka loo ga dumin. Sida muuqata wax ay kale oo oggolaadeen in ay joojiyaan faafinta wahaabiyada. Intaa uun ma aha ee wax ay oggolaadeen in ay hormuud ka noqdaan edbinta cid wal oo ka dhego adaygta amarrada cowboy Trump. Qadar oo beryahaaba nagnagle ahayd, reer Aal Sacuudna ka eed sheeganayeen, ayaa noqotay wankii sadqada. Qadar ama baad xadka ka baxsan ayay iyaduna isku furan ama buulka yar baa la ga dumin. Xitaa in ay mowqifyadeeda ka tanaasusho oo keli ahi ku ma filna.
Teenna innagu celi. Kolka ay joogto eedda ah taageerid xagjirka iyo argagixiso, waxyaalaha doodda kulul ku jira waxaa ka mid ah hay’adaha iyo mashaariicda dalalka Gacanka la ga maalgeliyo ee dunida oo dhan ku fidsan, gaar ahaan bulshooyinka saboolka ah ee aynnu ka midka nahay. Hay’adahaa iyo mashaariicdaa ma Diinta Islaamka ayaa loo gu adeegaa? Ma mad’hab iyo aragti diineed oo gooni ah baa la gu faafiyaa? Ma samafal bani aadannimo ayay ku eg tahay? Ma maslaxad qarameed iyo mid qoomiyad carbeed baa ku hoos jirta? Mise waa giddigood oo is huwan? Yaa dhisa oo maalgeliya argagixisada dhulkeenna ku xididdaysatay ee la loodin kari la yahay, ee noloshii iyo nabaddii soomaalida baabbi’isay?
Halkan waxaa kale oo soo gelaya hay’adaha iyo mashaariicda reer Galbeedka innaga soo gala oo aan kuwaa hore ka halis yarayn.
Goor walba aynnu maskaxda ku haynno dawladuhu diin iyo bani aadannimo u ma shaqeeyaan ee danahooda oo qudha ayay wax ku bixiyaan. Ta aan anigu og ahayna waa in hay’adaha iyo mashaariicda samafalka (khayriga) la gu sheego ee carabtu dhulkeenna ka waddaa ku salaysan yihiin oo qudha laba qodob: carabaynta soomaalida oo ah durkinta oodda carabnimada, ama faafinta xagjirnimada diineed, tan dambe oo run ahaantii taa hore loo gu adeego.
Sidoo kale wax aan og ahay, dhammaan hy’adaha iyo mashaariicda reer Galbeedku dhulkeenna geliyaa in ay u adeegayaan oo keliya faafinta qiyamka ninka cad: arrimaha dumarka, arrimah qoyska, arrimaha galmada iyo arrimaha diinta, tusaale ahaan. Dadka soomaalida ee hawlahan ka shaqaysta qaar badan oo ka mid ahi xaqiiqada maba oga, carab iyo caddaan ka ay doonaanba ha u shaqeeyeene.
Haddaba innaga oo ka faa’iidaysanaynna is fashilinta iyo is qaawinta dalalkii waxan soo maleegi jiray ku dhacday, aynnu baadhno oo dhab u xisaabinno dhammaan hay’adaha iyo mashaariicda shisheeyaha ee dhulkeenna ka jira. Mid walba aynnu qiimaynno waxtar iyo waxyeello ka uu inoo lee yahay.
Aala Sacuud iyo Aala Taani iyagana arrinkooda aynnu u aragno oo qudha “labadii xaqdarro ku heshiiyaa xaqa ayay ku colloobaan”.
W/q Ibraahin Yuusuf Axmed Hawd.
