Hargaysa 12. June 2017 (SDN/QJ):- Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa waxa uu ka cudur daartay guddi culimo ah oo ka kooban 12 xubnood kuwaasi oo uu magacaabay madaxweyne Siilaanyo.
Sida la Sheegay Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayay Markii Labaad u Noqonaysaa inuu ka Gaws Qabsado Gudi Culimo ah oo Madaxweyne Siilaanyo ku Daray Xubin-nimadiisa.
Sheekh Dirir oo u waramay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay inuu mabdi’yan taageersanyahay dhismaha guddigan oo qaranka faa’iido u leh balse uu ka cudur daaranayo ka mid noqoshadooda, waxaanu sheekhu sheegay inuu tiraba laba goor madaxtooyada u sheegay inuu guddiga taageersanyahay laakiin uu ka cudur daaranayo inuu xil ka qabto. “Mabda ahaan waan taageersanahay waanan soo dhawaynayaa guddigan. Balse horena laba goor ayaan madaxtooyada ugu sheegay inaanan diyaar u ahayn xilkaas, haddana waan ka cudur daaranayaa. Laakiin waan soo dhawaynayaa in la dhiso guddigan, dadka ku jirana waan soo dhawaynayaa.” ayuu yidhi Sheekh Dirir.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa jimcihii magacaabay guddi ka kooban 12 xubnood oo ah guddiga culimada oo uu dhigayo distoorka Somaliland muddo dheerna la sugaayay magacaabistaasi.
Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay gudigan in ay “xoojiyaan midnimada iyo wadashaqaynta culimada dhexdeeda. Sidoo kale, waxaan idinkula dardaarmayaa ayuu yidhi in aad nagala shaqaysaan la dagaalanka balwadaha, figradaha xag jirka ah, qabyaaladda iyo ka hortagga kala qaybinta bulshada. Ducada badiya, dadkana khayrka u tilmaama”.
Gudigan oo loo gudbin doono golaha guurtida si ay u ansixiyaan waxay magacyadoodu kala yihiin :
- Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Boqorre Jawhar.
- Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed
- Sheekh Maxamed Cumar Dirir
- Sheekh Dr Axmed Jaamac Ismaaciil
- Sheekh Dr Cabdirashiid Sheekh Saalax
- Sheekh Dr Xasan Sheekh Cali Warsame
- Sheekh Dr Cumar Yuusuf Axmed
- Sheekh Cabdilaahi Xasan Xaashi Barbarawi
- Sheekh Cabdikariim Xasan Xoosh
- Sheekh Maxamed Cali Jaamac (Gadhle)
- Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed Cabdi
- Sheekh Maxamed Xasan Yuusuf (Agaasimaha guud ee guddida).

