Hargaysa 12. June 2017 (SDN/QJ):- Guud ahaan Shacabka Somaliland gudo iyo Dibadba ayaa gurmad Xoog leh u galay sidii looga soodayn lahaa Wiil tahriib ah oo reer Somaliland ah oo Magafe Ku haystay Saxaraha Dalka Liibiya,kaasi oo todobaadkii u dambeeyay baraha Xidhiidhka Bulsha lagu baahiyay Wiilkaasi oo uu Magafe si foolxun inta uu Xadhig ku dhuujiyay u garaacayo,Waxaana la soo sheegayaa in Wiilkaasi lagu guulaystay in la samata bixiyo.
Ganacsade Cumar Ibraahim Nuur(Cumar yare) oo ka mid ah Ganacsatada Dalka Somaliland islamarkaana Meherad Dahableh ku haysta Badhtamaha Suuqa Hargeysa ayaa ka mid noqday Ganacsatada aadka uga gilgishay dhacdadaasi Foosha Xun ee wiilkaasi reer Somaliland ee Tahriibka ahaa ee Magafe jidh dilka ugu gaystay saxaraha Dalka Liibiya,iyo Muuqaaladii Bahalnimada ahaa ee Wiilkaasi laga baahayay ee la soo galiyay Baraha Bulshada,Waxaanu deeq lacag ah Shalay Gaadhsiiyay Hooyadda dhashay Wiilkaasi Nimco Aadan Cabdillaahi oo ku nool Guri ku yaala Xaafadda Goljano ee Degmada 26-June ee Magaaladda Hargeysa,waxaanay Hooyadda Wiilkaasi dhashay ay Muujisay Waji Farxad leh,iyadoo lanoo sheegay in Wiilkaasi laga siidaayay Magafihii haystay.
Guud ahaan shacabka reer Somaliland ayaa aad uga damqaday qaabka uu Magafuhu ula macaamilay Wiilkaasi,iyo Muuqaalkii laga baahiyay ee muujiyay Jidh dilkii nafgoynta ahaa ee uu magafuhu ugu hanjabay Waalidka dhalay wiilkaasi hadaanay saacado kooban gudahood ku soo Bixin xadi lacag ah oo badan oo uu shuruud uga dhigay,waxanay shacabka Reer Somaliland Gudo iyo Dibadba u galeen gurmad balaadhan oo Qaadhaan ururin lacageed ah oo wiilkaasi lagu soo sabata bixinayo,iyadoo isla Shalay Baraha Bulshada la soo galiyay Wiilkaasi oo laga furay Xadhigii uu ku dhuujisnaa iyo jidh dilkii lagu waday oo laga joojiyay,waxaana Muuqaal uu hadlayo oo la soo baahiyay uu aad ugu mahadnaqay Guud ahaan Shacabka Reer Somaliland oo si weyn ugu soo gurmaday Islamarkaana uu sheegay in Hawshii lagu hayay laga Khafiifiyay, waxaana muuqata in Xaddigii lacagta ahaa ee Magafuhu Ka doonayay la gaadhsiiyay, suurtagalna ay tahay inuu iska siidaayo,balse ay u hadhsan tahay dhibtii Marinka dhinaca Badda dhexaysa Liibiya iyo Dalka Talyaaniga.
Waxa mudooyinkii u dambeeyay Somaliland aad ula jibaarmay Dhalinyarta tahriibaysa ee beegsanaysa Nolosha dalalka ku yaala Qaarada Yurub,waxaanay Dhalinyartaasi aanay sinaba u baalmarin Magafayaasha oo lacago adag ka qaata islamarkaana doonyo khaarab ah ka saara Xeebaha Dalka Liibiya.
