Boqortooyada Sacuudiga oo Madaxweynaha Somalia Mr Farmaajo ku Cadaadinaysa inuu Guud ahaan Waddanka Qatar Xidhiidhka u Jaro Hadii Kale ay Waayi doonto Dhaqaale Buuran DHAGAYSO

Muqdisho 12. June 2017 (SDN/QJ):- Dowladda Sacuudiga ay la sheegayaa inay dowladda Soomaaliya ku cadaadinayso sidiii ay xirirka ugu jari lahayd Qatar.

Warar laga helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dhaqaale Sacuudigu uu u balanqaaday inuu siinayo Soomaaliya uu dib u dhac ku iman karo haddii ay Somalia ay mowqifkeeda ku adkaysato oo aysan Sacuudiga taageerin.

 

Wasiirro ka socda dowladda Somalia ayaa ka soo noqday safar ay ku tageen Sacuudiga, waxaana la sheegay inay la kulmeen oo kaliya agaasimayaal, halkii markii hore qorshuhu ahaa inay la kulmaan wasiirada dhigooda ee Sacuudiga.