Sarkaal Sare oo Ka Tirsan Xisbiga KULMIYE oo Badka Soo Dhigay Fadeexado Dul-hoganaaya Xisbigaasi+ Kabaha La Dulmaray Saylaci iyo Maxamuud Xaashi DAAWO

Hargaysa 12. June 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Ayaanle Siciid Khaliif oo mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobalka Awdal ee ugu waaweyn sida oo kale na ka mid ahaa aas-aaseyaashii Xisbigaasi, ayaa dhaliilahii ugu waaweynaa ku soo hurgufay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo weli ba sida oo kale wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland isaga oo sida oo kale na soo bandhigay fadeexado horle oo muujinaaya kala daadsanaanta Xisbiga KULMIYE, waxaana uu sheegay in KULMIYE yahay Xisbi kala socda oo aan gebi ahaan ba isla soconin.