Delhi 14. June 2017 (SDN/QJ):- Waddanka Hindiya Waxaa ku Taala Shirkada Soo Saarta filimada Hindida ee Lagu Magacaabo Bollywood.
Hadaba Waxaa Jiraa Shan Jilaa oo ugu Lacag badan Shirkadaasi.
- Shahrukh Khan
Wuxuu ku caan baxay magaca King Khan, Shahrukh Khan ayaa hogaaminaaya liiskan jilayaasha uugu qanisan wadanka Hindiya, sidoo kale Shahrukh Khan wuxuu ku jiraa Jilaaga labaad ee dunida ugu taajirsan waxaana hantidiisu gaadhaysaa aduun lacageed oo dhan $ 600 Milyan.
Sidoo kale Shahrukhan wuxuu leeyahay shirkado ganacsi oo ugaar ah sida Red Chillies Entertainment & IPL team, Kolkata Knight Riders. Shakhrukhan waa Jilaaga loogu jecel yahay wadanka Hindiya.
- Amitabh Bachchan
Waxaa kaalinta labaad soo galay Jilaaga caan baxay ee Amitabh Bachchan oo haysta aduun lacageed oo gaadhaaya $ 400 Milyan.
Amitabh Bachchan ayaa sidoo kale loo yaqaananay sideetamaadkii Angry Young Man iyadoo ilaa hada loo tix galiyo inuu yahay Jilayaashii uugu wanaagsanaa ee somara abid wadanka Hindiya.
- Salman Khan
Kaalinta saddexaad waxaa soo galay jilaaga Salman Khan kaasoo haysta aduun lacageed oo dhan $200 Milyan.
- Aamir Khan
Kaalinta Afaraad waxaa soo cidhiidhsaday Aamir Khan kana mida aktarada uugu wanaagsan wadankiisa Hindiya waxaanu haystaa aduun lacageed oo gaadhaya $ 185 Milyan
- Akshay Kumar
Akhtarka uugu danbeeya ee kalinta shanaad ka galay liiska 5 jilaa ee uugu fiican Hindiya ayaa wuxuu noqday aktarka caan baxay ee Akshay Kumar oo hantiduusu gaadhayso $100 Milyan.
Diyaarintii Maxamed DEEQ

